Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxda maamul goboleeyada oo shir ku yeelanaya Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Wada-hadallo dhinaca qadka taleefoonka ah ayey wada yeesheen madaxda dowlad goboleedyada, Puntland, Galmudug, Hir-Shabelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, waxayna isku raaceen inay dhawaan yeeshaan kulan wadatashi gaar ah.

Xogaha la helay ayaa waxa ay sheegayaan in madaxda maamul goboleedyada ay ku hehsiiyeen inay shir ku yeeshaan Dhuuaamareeb kaas oo ay martigelineyso Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in kulankaasi ay uga hadli doonaan sida ugu fudud ee xal looga gaari karo khilaafka u dhaxeeya madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyad qaar, sida ay uga wada hadli lahaayeen arrimaha doorashooyinka iyo Amniga dalka.

Kulanka oo socon doona maalmo kooban ayaa waxaa geba-gabadiisa la filayaa in War-murtiyeed ay ka soo saaraan madaxda shanta maamul goboleed ee ka jira dalka.

Kulankaan gaar ah ayaa ka dambeeyey, kaddib markii uu fashilmay shirkii Madaxweyne Farmaajo uu isugu yeeray maamul goboleedyada, kaas oo Muqdisho ka dhici lahaa 5-8 bishan July, kaddib markii ay qaadaceen maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this