Sign in to follow this  
Deeq A.

Isimo isu taagay joojinta Colaad Beeleed ka aloosan Degaanka Horufadhi

Recommended Posts

Deeq A.   

Degmada Ceegaag ee Gobolka Cayn waxaa Maanta oo Isniin ah ka socda dadaal xooggan oo loogu jiro joojinta Colaad ka aloosan Degaanno ka tirsan Gobolkaasi Cayn.

Colaadda oo u dhexaysa laba Beelood ayaa ka taagan Degaanka lagu magacaabo Horufadhi waxaana shalay oo u dambaysay halkaasi dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac gaystay ku dhexmaray labada Beelood.

Wefdi Isimo ah oo uu hoggaaminayo Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa lagu wadaa in ay Saacadaha soo socda gaaraan Degmada Ceegaag oo ay haatan ka socota qaban-qaabada Gogosha Nabadaynta labada Beelood.

Ergooyin kale ayaa iyaguna Maanta ku wajahan Degaanka si ay uga qayb-qaataan Nabadaynta waxaana la filayaa in Isimadu halkaas kaga dhawaaqaan Xabad-joojin deg deg ah iyo in Gogol Nabadeed la isu’gu keeno dhinacyada dagaallamay.

PUNTLAND POST

The post Isimo isu taagay joojinta Colaad Beeleed ka aloosan Degaanka Horufadhi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this