Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageysiga dacwadda Askari dil ka geystay Muqdisho oo bilaabatay

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta billowday dhageysiga eed ka dhan ah askari ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya oo Isgoyska Ceel-gaabta ee Muqdisho si bareer ugu dilay Nin Odey ahaa oo halkaas ku lahaa goob yar oo Ganacsi.

Nuur Daahir Geedi oo ah Askariga dilay marxuumka lagu magacaabi jiray Cumar Xasan Macalin ayaa qirtay inuu ka dambeeyay falkaas, isagoo u dilay muran ka dhashay laba kun oo shilin Somaali ah oo Odeyga kaga iibsan lahaa Sigaar.

Xeer Ilaaliyada guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Gen, Cabdullaahi Buule Kameyn ayaa Maxkamadda ka dalbaday in xukun dil toogasho ah lagu fuliyo eedeysane Nuur Daahir, taasi oo noqoneysa qisaasta Marxuum Cumar Xasan Macalin.

Ugu dambeyn guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, G/Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa sheegay in go’aanka ay dib ka shaacin doonto Maxkamadda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this