Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag looga shakisan yahay Al-Shabaab iyo Daacish oo la qabtay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Boosaaso (Caasimadda Online) – Ciidamada ammaanka maamul goboleedka Puntland ayaa hawlgal amniga lagu sugayay oo ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan magaalada Boosaaso kusoo qa-qabtay rag ay uga shakisan yahiin iney ka tirsan yahiin kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Warbaahinta gudaha ayey saraakiisha hawlgalkaan hogaaminayay u sheegeen iney sameynayeen hawlgal lagu xaqiijinayay amaanka isla markaana guri guri loo baarayay xaafado ka tirsan Boosaaso.

Toban ruux oo looga shakisan yahay Al-Shabaabnimo iyo iney ka tirsan yahiin Daacish ayaa lagu qabtay hawlgalka sida uu sheegay mid ka mid ah saraakiisha hogaamineysay hawlgalka.

Wararka waxey intaas ku darayaan in qaar ka mid ah guryaha laga helay hub iyo jaakadaha qaraxyada kuwaas oo sida la sheegay la doonayay in lagu dhibaateeyo dadka gobolka Bari.

Saldhigga dhexe ee Boosaaso ayaa lagu xiray dadkii lagu qabtay hawlgalka, waxaana lagu sameyn doonaa baaritaanno dheer iyadoo lasii deyn doono qofkii dambi lagu waayo.

Boosaaso waxaa horay uga dhacay falal amni xumo oo uu ka mid ahaa weerar is ismiidaamin ah oo lagu dilay gudoomiyahii gobolka Bari iyo xubno kale oo ka tirsanaa maamulkiisa.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this