Sign in to follow this  
Deeq A.

HirShabeelle oo war kasoo saartay dilkii loo geystay xildhibaan Xuurshow

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle Sheekh Cusmaan Barre Maxamed ayaa looga hadlay dilkii maanta loo geystay xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad Xuurshow.

Xildhibaanka ayaa lagala dagay gaari uu saarnaa oo kusoo jeeday Muqdisho, waxaana dilka sheegtay kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa qoyska, ehelka, asxaabta iyo dhamaan dowladda Goboleedka Hirshabelle geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum Xildhibaan Maxamed Siyaad, waxaan alle uga baryeynaa inuu Janadiisa Fardowso hoy uga dhigo, samir iyo iimaan naga wada siiyo” ayaa ka mid ahaa qoraalka kasoo baxay gudoonka sare Baarlamaanka Hirshabelle.

Sidoo kale Gudoomiyaha wuxuu dhamaan xildhibaanada Hirshabelle ka codsaday ineysan ku safrin wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Jowhar.

Halkaan  ka akhrio qoraalka Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle.

Gudoomiyaha Golaha Xeer Dejinta Dowlad Goboledka Hirshabelle Md,ne Sheikh Osman Barre Mohamed Isagoo Ku Hadlaya Magaciisa, Kan Gudoonka, Magaca xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboledka iyo Shacabka Waxuu Tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Marxuum Ex Xildhibaan mohamed Mohamud Siyaad Xuurshow oo Kamid ahaa Xildhibaanada Baarlamanka Dowlad Goboledka Hirshabelle oo kooxaha argagaxisada ay dileen kadib markii ay ka qafaasheen isagoo ku safraya wadada udhaxeysa Jowhar Iyo Muqdisho.

Gudoomiye Sheikh Osman ayaa Yiri waxaan tacsida iyo tiiraanyada laqeybsanayaa Qoyska Ehelka Asxaabta iyo Dhamaan Dowlad Goboledka Hirshabelle Geeridii Naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum xildhibaan Mohamed Siyaas waxuuna Alle uga Baryey inuu Janatul Fardowsa Hoygiisa kadhigo Samir iyo Iimaana naga wada siiyo

Ugu dambeyn Gudoomiyaha Golaha waxuu Xildhibaanada iyo Masuuliyinta kale ee Dowlada uga digayaa Qataraha Kooxaha Argagaxisada ee naf lacaariga ah ay kageysan karaan Deeganada Dowlad Goboledka Hirshabelle

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this