Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweenay Ilaalada Boqortooyada ka Tirsan oo Warkeedu mashquuliyey Dadweynaha Reer Sacuudi Carabiya

Recommended Posts

Deeq A.   
.

 

Sawirka haweeneyda ka tirasan saraakiisha ilaalada Boqortooyada Sacuudiga ayaa noqday mid ay aad u hadal hayaan dadweynaha sacuudi Carabiya ee baraha bulshada isticmaala, waxaana uu horseeday falcelino kala duwan oo u dhaxeeya taageerayaasha in dumarka ay qeyb noqdaan saraakisha sar-sare ee ammaanka iyo mucaaradka diidan fikraddaasi.

Dood kulul oo uu horseeday sawirka haweeneyda ayaa bilaabatay, ka dib markii uu daabacay Amiirka Boqortooyada Sacuudiga Bin Khaled Al Saud.

💚🇸🇦💚 pic.twitter.com/RRcKKS2Vfv

— سطام بن خالد آل سعود (@sattam_al_saud) June 25, 2020

Sawirka muranka badan abuuray ayaa muujinaya haweeneey xiran dareeska ilaalada Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo uu bar-bar taagan yahay askari kale. Waxay taagnaayeen albaabka goob la aaminsan yahay iney tahay gudaha Qasriga Boqortooyada ee magaalada Riyaadh.

Qaar ka mid ah dadka isticmaala barta Twitter-ka ayaa soo dhaweeyay fikradda ah in haweenka ay ka mid noqdaan Ilaalada Boqortooyada sida ragga oo kale, waxayna qorshahaasi ku tilmaameen mid-waangsan oo dhiira-gelin u ah guud ahaan dumarka.

Waxay sheegeen in tallaabadani ay sidoo kale bulashada u horseedeyso sinaanta jinsiga.

مشاركة المرأة في #الحرس_الملكي تسر الناظرين، المرأة لابد ان تحظى بالثقة في قدراتها👌
وهذا أمر لا يخالف شرعنا وثقافتنا، ولا يرى عكس ذلك الا متخلف
*دينياً، ابحثوا عن (أم عمارة) والتي دافعت عن النبيﷺ في غزوة احد
*ثقافياً، ابحثوا عن البطلة السعودية غالية البقمية التي دحرت العثمانيين pic.twitter.com/PDbuHXioO8

— إبراهيم المنيف (@altamimi14) June 25, 2020

وفق الله بنات الوطن في خدمة دينهم ووطنهم ..

المرأة السعودية امرأةٌ صبور ، كلما دخلت في وظيفة جديدة لها لاقت استهزاء من بعض أطياف المجتمع ومع ذلك تثبت جدارتها واستحقاقها ..

شجعوهنّ وادعموهنّ ولا تلقوا لأوهام الصحوة بالاً ، فتاريخهم معروف ، وأساليبهم لم تتغيّر!

#الحرس_الملكي pic.twitter.com/GYBizxewzc

— كالعرجون القديم (@H_abdullah86) June 25, 2020

Dhanka kale qaar ka mid ah dadka adeegsada barta Twitter-ka ayaa ka soo horjeestay fikrada ah in haweenka ay ku biiraan gabi ahaanba ciidamada ammaanka halka qaar kalana ay ku doodayaan ineysan sinaan ahayn haddii haweenka lagu daro ciidamada Ilaalada Boqortooyada.

#الحرس_الملكي المرأه السعودية من زمان لها مكانها في المجتمع وفيه امثله كثير لاكن لكل مقام مقال وربي خلقنا ذكر وأنثى ماكان عجزان يخلقنا كلنا جنس واحد!والمساواه عمرها ماكانت ب مزاحمه الرجال في وظايف في النهايه هو رجل وانتي امراه! باقي الرجال يحمل ويولد بس😂

🌵 (@l0xo0xol) June 25, 2020

قال رسول الله
"لن يفلح قوم ولوا أمرهم امرأة"
وهذا ليس انتقاص لقدرات المرأة القيادية ولكنه توجيه لقدراتها التوجيه الصحيح حفاظاً عليها من الضياع في أمر لا يلائم طبيعتها النفسية والبدنية ولا يتوافق مع أحكام الشريعة الإسلامية الأخرى التي حفظت المرأة من الفساد والإفساد #الحرس_الملكي pic.twitter.com/vpa7yZ8fR7

▪أبو منيف الخالدي▪ (@khaldee_ksa) June 25, 2020

Dadka qaar waxay aamisan yihiin in Sacuudi Carabiya aysan weli gaarin heerkii ay ku ogolaan lahayd in haweenka ay ku biraan ciidamada amniga sababtoo waxay aaminsan yihiin in tallaabadaasi ay ka so horjeedo caadada iyo dhaqanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Sannada ka hor, dhaxal-sugaha Sacuudiga Carabiya Maxamed Bin Salmaan, ayaa isku dayay inuu hagaajiyo sumacadda dalkiisa ee caalamka isagoo bilaabay olole ku aaddaan hiigsigiisa 2030-ka, kaasi oo dad badan u arkeen inuu amiirka isbadal badan sameyay oo ay inta badan ka faa’iideen haweenka Sacuuudiga. Waxay heleen xornimo iyo dhaqaaq aysan markii hore haysan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this