Deeq A. Posted July 5, 2020 Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar madaafiic ah oo lagu qaaday qeybo ka mid ah deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose. Hoobiyeyaasha ayaa lagu soo warramayaa in qaarkood ay ku hoobteen xaafadda Siimow oo ay dagan yihiin dad shacab ah, islamarkaana uu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay. Inta la xaqiijiyey waxaa ku dhintay halkaasi ugu yaraan labo caruur ah, iyadoona ay sidoo kale dhaawacantay hooyadood, kadib markii uu gurigooda ugu tegay madfac. Mid ka mid ah dadka deegaanka oo u warramay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyey madaafiicdaasi iyo sida ay tahay xaaladda deegaanka. Halkan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/07/Cod-Janaale.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites