Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo lagu wareejiyey Hub iyo Maleeshiyaad + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta kula wareegtay magaalada Cadaado hub, gaadiid dagaal iyo maleeshiyaad.

Wasiirka amniga Galmudug, Axmed Macallin Fiqi oo goobta kula hadlay maleeshiyada ayaa sheegay in ay ka mid noqon doonaan askarta loo diyaarinaayo in ay noqdaan Daraawiishta Galmudug, tababar ciidan iyo xuquuqna ay heli doonaan wixii maanta ka dambeeya.

Qorshaha ay wasaaradda amniga Galmudug ku sharciyeyneyso Maleeshiyo Beeleedyada ayaa ka soo billowday magaalada Gaalkacyo, waxaana ujeeddada laga leeyahay ay tahay inay qeyb ka noqdaan dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee Galgaduud iyo Mudug.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:

GL1.jpeg GL2.jpeg Gl3.jpeg Gl4.jpeg Gl5.jpeg GL6.jpeg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this