Sign in to follow this  
Deeq A.

Duulimaadyada gudaha dalka oo dib uga bilowday garoonka Aadan Cadde

Recommended Posts

Deeq A.   

ku dhawaad boqol cesho oo  ay xirnaayeen duulimaadyada gudaha dalka ayaa saakay si rasmi ah dib loogu furay ka dib saameyntii cudurka safmarka ah ee civod19 oo yaraatay.

munaasabad kooban oo haatan ka socota gudaha garoonka Adan Cade ayaa lagu maamuusayaa in dib loo furo garoonka iyadoo ay goob Joog ka yihiin masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Maareeyaha hay,adda duulista rayidka Axmed Macalin Xasan ayaa sheegay inay u diyarsanyihiin howsha adag ee hortaala maadaama wali uu jiro halista cudurka Karoona Feyrus.

Golaha Wasiirka xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shirka golaha ee Khamiislaha ah ku ansixiyay in dib loo furo duulimaadyada gudaha dalka oo hore loogu hakiyay si loo yareeyo faafitaanka cudurka covid19.

Dowladda Soomaaliya ayaa 29 bisha sedexaad ee sanadkaan 2020 hakisay sabab la xariiira cudurka safmarka ah ee Covid19.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this