Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo war xasaasi ah ka soo saartay diyaaraddii ay DF ka celisay Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo wareysi siiyey VOA ayaa ka hadlay diyaarad ay shalay dowladda Soomaaliya ka celisay hawada, taas oo qaad u siday magaalada Hargeysa.

Faratoon ayaa sheegay in arrintaasi ay jirto, isaga oo tilmaamay in dowladda federaalka ay qaaday tallaabo qaldan, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in tallaabadan ay qeyb ka tahay dagaal uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay kula jirto Somaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa sidoo kale wareysiga lala yeeshay ku sheegay in arrintan ay dhaawici karto heshiisyadii horey loo galay, gaar ahaan midkii Jabuuti oo uu sheegay inuu qeyb ka ahaa inay wada maamulaan hawada.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in meeshii laga filayey in la’isku soo dhowaado, islamarkaana la buuro kalsooni ay haatan uga sii dareyso xukuumadda Muqdisho.

“Waxaad moodaa in meeshii laga filyay kalsooni iyo isku soo dhawaansho lana qadariyo heshiisyadii ay horay u wada galeen ee ahaa in la wada maamulo hawada Soomaaliya ay meesha ka baxeyso,waxaana dowladda aysan ixtiraameyn wixii lagu hehsiiyay oo kalsooni keeni kara.” wasiirka arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland.

Si kastabaha ha’ahaatee weli dowladda federaalka kama aysan hadlin go’aankii shalay dib loogu celiyey diyaaraddii ku socotay Hargeysa oo ku laabatay gudaha dalka Kenya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this