Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan ka tirsan HirShabelle oo laga qafaashay wadada Muqdisho iyo Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle ayaa lagu soo warramayaa in maanta laga qafaashay wadada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaankaasi oo lagu magacaabo, Maxamed Maxamuud Siyaad ay rag hubeysan kala dageen gaari uu la socday oo marayey wadadaasi.

Xildhibaanka ayaa la sheegay inuu saaka ka soo amba-baxay Jowhar, kuna soo jeeday Muqdisho, balse ay wadada u galeen rag loo maleynayo inay ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo horey u kaxeystay mudanahaasi ka tirsan baarlamaanka HirShabelle.

Ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in gaariga uu la socday xildhibaanka oo ahaa Noah ay kooxdaasi fasaxday dhamaan dadkii kale ee saarnaa, lamana oga halka ay la aadeen xildhibaan Maxamed Maxamuud Siyaad .

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo madaxda sare ee HirShabelle ka soo baxaya oo ku aadan afduubka xildhibaankaasi.

Ammaanka jidka  dheer ee xiriiriya Muqdisho iyo Jowhar ayaa muddooyinkan ahaa mid aad u liitada, waxaana inta badan weeraro ka fulisa kooxda Al-Shabaab, waxaana qaarkood weeraradaas ku dhintay mas’uuliyiin ka tirsanaa mamaulka HirShabelle.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this