Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Maaliyadda oo shaacisay inuu hoos u dhacay dakhliga dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cabdulaahi Sheekh Cali Qaloocow ayaa ka dhawaajiyey inuu hoos u dhac ku yimid  dakhliga gudaha ee dalka.

Qaloocow ayaa sababta ku sheegay in xilligan sidii la rabay aysan u shaqeyney ilaha dhaqaale dalka, islamarkaana uu sameeyey xiyaaradaha cudurka Covid-19.

Sidoo kale wuxuu intaasi u daray in tan 2017-kii illaa 2020 aysan jirin wax dhaqaale ah oo ay qorotay dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay sababteeda leeyihiin madaxda dalka.

 

 

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo ay dalka haatan ka jirto shaqo la’aan baahsan oo heysata dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka baxay jaamacadaha dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this