Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland feejignaan weyn iyo asturaad bey u baahantahay

Recommended Posts

Deeq A.   

SOMALILAND FEEJIGNAAN WEYN IYO ASTURAAD BEY U BAAHANTAHAY DHINACA DIPLOMASIYADDA CAALAMKA WAAYO HADII KALE MA GUULEYSAN KARTO QADIYADDA EY RAADINEYSO

Akhri si aad u fahamto waxbadan

Marka dal curdina aan la aqoonsaneyn oo dunidda aan la laheyn xidhiidh xoogan oo diplomasiyadeed waxu u baahan yahey feejinaan dheeraad ah. Marka laga hadlayo arimaha diplomasiyadda, waxey soo hoos galaan, Arimaha (Amniga dalka, Difaaca qaranka, Socdaalka Dalxiiska iyo Ganacsiga, iyo xidhiidhka dowladaha ee diplomasiyadeed)
Waddamaddu caalamku waxey leeyahiin maxaddo lagu taba-baro shaqalaha loo dirayo waddamadda dibadda. Dalalka shaqo ahaan loogu dirona waxey ka galaan (School of Diplomat) oo inta badan hoos yimaadda wasaradda arimaha dalkaas uu joogo. markaad eegto dhinaca dowladha Africa.
Tusaale ahaan dalka Nayjeria markey safiir u magacabaayan Dalka Sa’udi Arabia waxey u diraan nin muslim ah. Halka ey u diraan dalka USA nin christian ah. Ujeedadu waxa weeye inuu dhexgali karo bulshadda u tagey dhaqankooda iyo diintoodaba.
Waxaan ku ogaadey Magaladda islamabad markaan joogey oo Safiirka Najeria igu soo casumi jirey (Diplomatic Enclave) xafladaha ka dhacaya. Anagoo isku baraney jamacadda uu ka dhigan jirey diploma ah Rescue Disaster Management) markii dhul gariirku ka dhacey Paksitan 2005. Run ahantii aniga lahaa madaxweynaha Jamacdda inaad ka dhaadhicyo inuu diplomasiyinta course siiyo, jamacadda sumcadd bey aheyd. Iyagana siweyn baa loo maamusi jirey.
Aniigaa markaa gacanyare u noqdey 6 safiir oo African ah. Neyjeria, Aljeria, Morroco, Tuniss, falastiin, Saudi Arabia. Lixdaas safaaradod asxaab xoogan ban ku lahaa iyo Safaradda Mareykanka. Maxaweyne Obama uso Magacaabey gaabadh Muslim ah oo la odhan jirey Fatima Sanna chambia origin ka soo jeedey.
Madaama ey mashquul ahayeen in aan Class assigment ka caawiyo aniguna ka korodhsaddo khibradd iyo saxiibtinimo joogto. markii aan ku hamiyayey in aan bilaabo shaqaddii aan ka qabtey xukumadii UDUB.
Marka eynu ka hadlano Somaliland, waxa jooga ragg badan oo waaweyn oo waayo araga shaqaddan markaa laga hadlo dowladdii kacaanka ragii ugu cuslaa waxey ahayeen reer Somaliland. 100% shaqadda danjiranimaddu waxey xidhiidh toosan la leeyahey arimaha Difaaca, Danaha melaha ugu mihiimsan caalamka. xidhiidhka Nabad-sugidda iyo dhaqaaqa dowladdnimadda.
Sidaas darteed Somaliland waxa la gudboon iney dhisto, laanta xidhiidhka calaamka ee wasaradda arimaha dibadda in la furo maxadka culuumta diplomasiyadda. In laga fa’iideysto ragga manta nool ee waayo araga ah. sixoogana loo taba-baro dhalinyaradda maanta aqoonta leh.
Sidaas darteed. Dowladda Somaliland markey abuureyso xidhiidh cusub oo la rabo in la beero, waxey u bahan tahey inuu noqdo mid asturan oo aan maalinta kowaadba la isla soo taagin shaashadaha Tvyadda. Iyadoo ama xukumadda ka raadineyso tageeo shacab ama ey iska riixeyso weedhaha dhaliisha ah ee Xisbiyadda Mucaradka
Madaama oo dalku yahey mid aan wali aqoonsi calaamiya helin cadow badana leh, lana rabo in la xoojiyo xidhiidhka caalamka iyo dowlaha daneynaya iney xidhiidh la yeeshaan. waa inuu noqda mid dhinac walba looga baraan degey in lagu degdego ku dhawaaqiidiisa ma haboona markiiba ila uu noqdo mid sal adag.
wey jiraan dowladdo badan oo kaga cabanaya mudaddi ugu danbeysey xukumadda Somaliland in aaney laheyn (Follow up) xidhiidhka marka la abuuro malinta wasiirku sawirka soo galo aaney dib u sii xoojin.
Qodobka labaad iney waxyaabo badan oo dowladuhu u arkaan in xanaf siyasadeed oo dano is jiidhaya abuureyso ey marka iskaga qawaqaan siyaasinta somaliland iyagoo ku fanaa, balse ey tahey mid ey iyagu gacmaha is jarayaan. Halkaasna dowladii kale xidhiidhkeeddii ku gaabiso. iyaguna inagu yidhaahdan Somalia nagu dirtey balse ey ka timi qorshe xumo inaga ah.
Taariikh badan oo aan ogahey ayaa dalal badan xukumadda Somaliland ee kala danbeyey xidhiidh la sameeyo. Sideedabana xidhiidhka labadda dal waxu ku dhisan yahey dano la is dhaafsaddo oo ku saaleysan.
 Juquraafi ahaan meeshey addunka kaga taal Somaliland
 Kheyraadka ku duugan dalkeena
 Badda dheer ee Somaliland maamusho
 Xoolaha nool, Shidaalka, Macdanta, Tiradda dadka, IWM
Taas marka laga tago. Xidhiidhka cusub ee Taiwan Somaliland la sameysaneysa waa mid ku haboon iney labadda dal aan la aqoonsaneyn yeeshaan xidhiidh ganacsi iyo mid siyaasadeedba.
Labadda waddanba waxeyka mid yihiin oo ka tirsan yihiin. Ururka middowga umadaha aan UN laga aqoonsaneyn ee loo yaqaano. UNPO xaruntiisu tahey, Dalka Belguim. waxbadan oo dalka Taiwan leeyahey oo Somaliland u baahan tahey baa jira. Iyaguna waxbadan bey inaga faa’iidi karaan.
Waxa muddan in xukumadda Somaliland isweydiiso xafiiskeena Somaliland ee ku yaal dalka Chine. Sidee buu uga iibin karaa in aaney wax-qabad ah ku aheyn jiritaanka dowladda Chine xidhiidhka inaga iyo Taiwan. xafiiskeenaasise awood diplomasiyadeed intee buu leeyahey oo xoogan mise waa xafiis ganacsi qudha u furan?
Marka laga hadlayo Diplomasiyaddu waxa weeye sidaad ugu iibin laheyn dareenka dalka kale, isaguna ku arkeen inaad cadow ku tahey.
Siyaasadda arimaha dibadda ragga soo marey ninka ugu caasan inuu waddan walba ka dhaadhiciyo danaha dalkiisa, sidda Madaxweynaha ruushka Vladimir Putin sheegey waxuu ahaa Wasiirkii Arimaha dibadda ee dalka Sacuudi Arabia ”Minister Prince Saud Al Faisal”
Waxu yidhi Puttin isagood aragto in aanu ka dhab aheyn ayuu hadana xirfadiisa iyo aqoontiisa iyo danaha oo dowlaha kale tusayo kaga iibinaya qadiyadiisa. Halka Madaxweyne Sadam Xuseen oo yidhi. Hadii aan qof noqon lahaa waxaan noqon lahaa Prince Saudi Al-Faisal.
Sababtoo ah dagaalkii Kuwait markaan rabey in aan ku qaado dunidda oo dhan 48 ayuu saxiib igala dhigey, halka uu sanadkii 2003, 24 hours aduunka oo dhan cadow iga dhigey kana dhadhiciyey in Ciraq lagu duulo. Waan qiraya buuyidhi inu ahaa geesi carbeed oo siyaasi ah.
Waxaan uga socdda, markaa akhriddo buwaagta calaamka ee siyaasadda arimaha dibadda ka hadleya wey ka gun dheertahey inta muuqata. Inta badana waxyabaha Tvyadda laga sheego maaha. Waxaana caalamku u yaqaan luuqadaha Tydadda lagaga hadlo (microphone Diplomacy). Qofku waa inu yahey mid xogabadan hayaa oo leh, Saxiibo calaamiya oo kala duwan.
Dalka gudihiisana laamaha dowaladda oo dhan nin u warhaya oo ka warbixin kara waxii dalkiisa laga weydiiyo. waxaan xasuusta, Markii aan shaqadda ka bilaabey wasaradda Arimaha Dibadda. Waxan la tashan jirey wayeel faro badan.
Ambassador Qeybe,
Ambassador Xuble
Ambassador Cawil
Ambassador Iqbal
Ambassador Adan jibriil
Ambassador M Sh Xasan Nuriye
Ambassador Yusuf Jama Buraale
Mohamed Siciid Gees
Wasiirkeygii Abdulahi M Duaale
Wasiir Mohamed S Gees
Aqoonahan Xasan Meygag Samater
Gudomiye Ciro oo marka Baralmanka joogey.
Waxa aan Xusayaa laba xubnood oo mihiim ah oo ka midda Golaha Guurtidda oo kala dhaxley Dhismaha, Nabadda iyo Iswaafajinta dhaqanka Dimuqraddiyadda, oo kala Ah. XAaji abdi iyo Ragiisii. oo ey maanta ka nool Xildhibaan Abduqadir Maxamed Hassan Indho_Indho iyo Xooghayahii hore Guurtida (Wasiir Abdullaahi Ibraahim Habane ) Wasiirka Waxbarashadda ee Xukumaddii Somaliland ee Ahmed Mahomaoud Siilaanyo.
AHN Cali Sanyare baa igu yidhi. Markaa noqoto si aad xogwalba uga jawaabto waxaad sii qadataa.
1. Xogta Champer of Commerce Somaliland.
2. Investment law Somaliland.
3. Somaliland in Figures.
4. Immigration procedures iyo xeerarka socdaalka
5. Xidhiidhka Madaxtoyadda tooska ah
6. Taliyaha ciidanka militaryg iyo sirdoonka inaad ku xidhnaato.
Walaahi sidaas markaan u noqdey ayey i afcayeen dhamaantood document aan ka sii qaatey dhamaan lamaha dowladda oo kuwii afsomaliga ku qornaa intii mihiimka aheyd aan isku dayey in aan tarjumo. Waxaan uga socda uma baahnin sawiro iyo muqaalo waxeynu u bahanahey shaqo qaranka aan ku iibgeyno oo aqoon iyo geesnimo leh.
Hadaba xukumadda Soomaliland waxa laga rabaa iney sameyso guddi siyaasadda arimaha dibadda dejisa oo ka balaadhan wasiirka iyo shaqalaha wasaaradda. In la raadsho dalalka eynu danaha ka leeyaney dadka aqoonta u leh.
Danjirayasha calaamka waxa lagu xusha, inuu fahmayo dhaqanka dalka iyo dadka, luuqaddooda, waxbarasho ku soo galley dalkaa. Intaas waxa dheer khibradda iyo aqoonta qofku u leeyahey waayo aragnimadda Siyaasadda arimaha dibadda.
Xafladaha cashooyinka iyo maamuskoodu waxu qeyb weyn ka qaadata soo jidashaddaha diplomasiyiinta caalamka. Sheeko xariirta diplomasiyadda iyo waayo aragnimadda taariikhda siyaasadeed ee dowlaha calaamku waxey soo jiidata iney ku ixtiramaan diplomasiyiinta kale.
Saxiibtinimadda wasiirka arimaha dibadda iyo madaxweynaha dalka lagu magacaaba waxey keeney isku soo dhowaansho labadda dal ah.
Feejignaan iyo taxadirka wararka ama qoraaladda baxa waxey keenta xoojinta xidhiidhka labadda dowladdood. Wardoonka joogta ah iyo dhaqaaqa xidhiidhka labadda dowladdood wax walba oo wiiqaya waxey kordhisa isdhexgalka iyo kalsoonidda labadda shacab.
Waxaan jeclahey in aan qoraalo badan idinla wadaagi doono, inta aan dhageystey ama akhriyey ama usoo joogey shaqaddan iyo waxyabaha aan isleeyahey Somaliland waxey khaladdey waxii ka danbeyey 2005. Safarkii Madaxweyne Dahir Rayaale ku marey dalal badan oo Africa ah.
Waa Bilaahi Towfiiq.
#Ambassador_Diinaari

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this