Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Maxamuud “Isku Keenista Ciyaartooydii Hore Waxaa Iigu Dhiira geliyay In Badankooda La Ilooway”

Recommended Posts

Deeq A.   

Sheekh Maxamuud Caddow oo in badan ku noolaa magaalada Toronto ee Wadanka Canada iyo qaar ka mid ah saaaxiibada ayaa bilaaway isku keenista laacibiintii horay ee Soomaaliya,iyagoo barnaamijyadan is dhaxgal bilooyinkii la soo dhaafay ka waday magaalada Muqdisho.

Sequence-01.00_00_23_23.Still003-1024x76

Ciyaartooydii hore Soomaaliya oo ku faraxsanaa in ay dib isku arkaan mudo fog ka dib ayaa Sheekh Maxamuud iyo saaxiibadiisa jecel isboortiga kaga mahad celiyay howshan,iyagoo kula dardaarmay in la sii wado barnaamijyadan oo muhiim u ah da’yarta soo koraysa.

Sequence-50.00_00_53_08.Still001-1024x76

Sheekh Maxamuud Caddow iyo qaar ka mid ah xirfadlayaashii hore Soomaaliya ee kala jooga gudaha Wadanka iyo dibadda ayaa hindisay naadiga Midaynta,iyagoo ka shaqeyndoona horomarinta,is dhaxgalka,dhiiri gelinta iyo kor u qaadida ciyaaraha kala duwan ee Soomaaliya.

Screen-Shot-2020-06-24-at-1.24.55-PM-102

Si kastaba da’daalada joogtada ah uu ku bixiyay Sheekh Maxamuud Caddow arimaha is dhaxgalka bulshda intii joogay qurbaha iyo gudaha dalka ayaa ah mid dhiiri gelin badan u noqotay in ay dhallinyarada soo koraysa iyo bahda ciyaaraha ay bartaan halyayadii soo maray dalkeena kuwa iminka nool iyo kuwii geereeyooday.

Sequence-01.00_00_23_12.Still001-1024x76

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Sheekh Maxamuud Caddoow

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this