Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha maamulka Galmudug oo gaaray Guriceel + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Madaxweyne ku-xigeenka, xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan labada gole ee maamulka Galmudug ayaa qeyb ka ah wafdiga madaxweyne Qoor Qoor ee maanta gaaray degmadaas.

Madaxweynaha Galmudug oo reer Guriceel la hadlayay ayaa yiri ” Soo dhoweynta Guriceel waa mid aanan horey ugu soo arkin meelihii aan tagey , waa soo dhoweyn qiimo badan ,waxaan dhihi karaa waa magaalo ganacsi , waa magaalada ganacsiga Galmudug waana hal-bowlaha bulshada Galmudug Guriceel”

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay in socdaalkiisii nabadda uu ku soo af-meeray Guriceel, isagoo tilmaamay in la tashiyo badan uu la qaadanayo reer Guriceel oo horseed ka ahaa sida madaxweynuhu xusay nabada iyo xoriyadda ka jirta Galmudug.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:

106941197_579267602957929_77589684054505 106731588_579267539624602_50623062316777 106772208_579267489624607_43221502861260 106913945_579267402957949_80906470058970 107393396_579267362957953_13355627559782 106903749_579267239624632_83757477176722 106495422_579267159624640_67562930558671 106676217_579267079624648_13553633255777 106780596_579266999624656_82541827162225 107370982_579266926291330_36617249767992 106681457_579266866291336_63283905853504 106780594_579266736291349_25398722168550 106731596_579266672958022_48265149771712

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this