Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo dib ugu celisay Kenya diyaarad ku sii jeeday Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta hawada ka celisay diyaarad sida Qaadka Miirooga Kenya oo dooneysay in ay ka degto garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Diyaaradda oo u raraneyd ganacsato reer Somaliland ah ayaa dib ugu laabatay gudaha Kenya, waxana ay fariisatay garoonka Wajeer.

Qaadka Miirooga Kenya ee maanta laga celiyay magaalada Hargeysa ayaa ku soo beegmaya xilli uu yaraaday Jaadkii deegaanada Somaliland uga iman jiray dhinaca dalka Ethiopia sababo la xriira qalalaasaha xoogan ee ka socda gudaha wadankaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this