Deeq A. Posted July 4, 2020 Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-Gareen) ayaa maanta wareegto ka soo baxday xafiiskiisa ku magacaabay laba xubnood oo ka mid noqonaya golaha wasiirada ee maamulkaasi. Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyi-gelinta bulshada Koonfura Galbeed ayaa waxaa loo magacaabay, Mudane Ilyaas Siciid Cali (Qalinle), halka Suleymaan Shucayb Cali isna loo magacaabay wasiirka wasaaradda macdanta iyo batroolka ee maamulkaasi. Halkan ka aqriso Wareegtada:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites