Sign in to follow this  
Deeq A.

Lafta Gareen oo xil ka qaadis ku sameeyey labo ka mid ah wasiiradiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyey labo ka mid ah golihiisa wasiirada, kadib wareegto ka soo baxday xafiiskiisa.

Lafta Gareen ayaa shaqada ka ceyriyey wasiirka warfaafinta Koonfur Galbeed, Mudane Ugaas Xasan Cabdi Maxamed oo ka mid ahaa wasiiradii la soo shaqeeyey Shariif Xasan.

Sidoo kale wuxuu xil ka qaadis ku sameeyey wasiirka macdanta iyo batroolka Koonfur Galbeed, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Nuur.

Digreetada ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Lafta Gareen ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in xil ka wasiirka warfaafinta iyo wacyi-gelinta bulshada loo magacaabay  Ilyaas Saciid Cali, halka Suleyman Shuceyb Cali isna loo magacaabay wasiirka nacdanta iyo batroolka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

U jeedada ayaa waxaa lagu sheegay inay ku timid xil ka qaadistan baahi weyn oo loo qabo in dardar-geliyo howlaha shaqo ee wasaaradahaasi.

Halkan hoose ka aqriso:

107046278_613308589305782_13917239761716

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this