Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo ‘hawada ka celisay’ diyaarad ku jeeday Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Warar soo baxaya oo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in maanta dowladda Soomaaliya ay hawda ka celisay diyaar ka timid dhinaca dalka Kenya, kuna sii jeeday garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Diyaaradda oo siday qaad fara badan oo ah nooca loo yaqaano Miirooga ayaa lagu soo warramayaa inay u rarneyd ganacsatado reer Somaliland, balse waxaa hawada ka celisay dowladda dhexe ee federaalka ah ee Soomaaliya oo heshay xog-ta diyaaradaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online diyaaradda ayaa dib ugu laabtay dalka Kenya, waxaana ka degtay garoonka diyaaradaha ee Wajeer.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in go’aankan ay cuskaneyso xiyaaradda weli saaray duulimaadyada ee ka dhashay cudurka Covid-19.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay labada dhinac iyo Kenyaba oo la xiriira diyaaraddaasi dib looga celiyey hawada Soomaaliya.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli maalmahan uu yaraaday Qaadkii Somaliland uga imaan jiray dhanka Ethiopia, sababo la xiriira qalalaasaha ka socda gudaha dalkaasi.

Si kastaba ha’ahaatee tallaabadan ayaa sii xumeyn karta xiisadda dhinaca hawada ee Soomaaliya iyo Somaliland oo dhowaan ay wada-hadallo uga bilowdeen dalka Jabuuti.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this