Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Baay ayaa sheegaya in goor dhow qarax khasaare geystay uu ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay maqaayad ku taalla degmadaasi oo ay ka agdhow yahy koontarool ciidan oo lagu baaro dadka iyo gaadiidka galaya gudaha magaalada Baydhabo ee gbolka Baay.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi ay ku dhinteen ku dhowaad 5 qof, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka iyo dad shacab ah oo gurmad u sameeyey dadka ay waxyeelada ka soo gaartay weerarkaasi qaraxa ah.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay laamaha amniga Koonfur Galbeed oo ku aadan qaraxaasi khasaaraha geystay.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa gudaha magaalada Baydhabo ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysay oo midkii ugu dambeeyey loo geystay guddoomiyihii ururka naafada K/Galbeed, Marxuum Shariif Jiis.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this