Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaraha ka dhashay Qarax ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan shan askari ayaa ku dhaawacmay Qarax culus oo Saaka ka dhacay nawaaxiga Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho oo ku taalla Degmada Xamar-Jajab.

Qof isa-soo miidaamiyay ayaa gaari miinaysan ku qarxiyay Xarunta Ilaalinta Canshuuraha oo ka soo horjeedda Dekedda Muqdisho sida ay sheegeen Saraakiil Booliis ah.

Sawirro laga soo qaaday Goobta ayaa muujinaya burbur xooggan oo Qaraxu gaarsiiyay Xarunta Ilaalinta Canshuuraha ee Booliiska Soomaaliya

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda Qaraxaas inkastoo Al-shabaab looga bartay in ay sheegtaan Qaraxyada ka dhaca Muqdisho.

PUNTLAND POST

The post Khasaaraha ka dhashay Qarax ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this