Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax dhaliyay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Baydhabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in halkaas uu saaka ka dhacay qarax miino oo khasaare kala duwan gaystay.

Qarax oo noociisu ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in uu ka dhacay maqaaxi ku taalla bar-kantarool oo laga soo galo magaalada Baydhabo sida laga soo xigtay Goob-joogayaal.

Wararka hordhaca ah oo ka soo baxaya Khasaaraha ka dhashay qaraxaas ayaa xaqiijinaya in ilaa saddex ruux ku geeriyoodeen halka tiro kalena ku dhaawacantay qaraxa.

Laamaha Amniga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo goobta qaraxa gaaray ayaa lagu soo warramaya in ay hawlgallo kala duwan ka wadaan balse ma jiro wax war ah oo maamulku ka soo saaray qaraxaas.

Sidoo kale weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa inkastoo Al-shabaab looga bartay qaraxyada noocaas oo kale ah.

PUNTLAND POST

The post Qarax dhaliyay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Baydhabo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this