Deeq A. Posted July 4, 2020 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax culus oo goor dhow ka dhacay agagaarka dekedda magaalada Muqdisho oo ku taalla degmada Xamar-Jajab ee gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa in loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo la sheegay in lagu weeraray xarunta canshuuraha ciidamada Booliska oo ku taalla halkaasi. Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay qaraxaasi, balse xaaladda aya ahaatan ah mid aad u kacsan. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, iyadoona la soo wariyey in meesha uu qaraxu ka dhacay laga maqlay rasaas xoogan. Wixii soo kordha kala soco: Radioshabelle.com View the full article Share this post Link to post Share on other sites