Sign in to follow this  
Deeq A.

Amnesty International oo war ka soo saartay xarigga Wariye Abuuja

Recommended Posts

Deeq A.   

Hay’adda Amnesty International waxa ay sheegtay in ay ka walaacsan tahay sii wadista xarigga wariye Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuja) oo u xiran dowladda Soomaaliya.

Amnesty waxa ay ugu baaqday mas’uuliyiinta Soomaaliya inay si dhakhso ah oo shuruud la’aan ah ku sii daayaan Wariyaha oo la xiray 7dii Maarso 2020 , islamarkaana ay soo xirtay Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka (NISA) .

“Amnesty International waxay ay ka walaacsan tahay sii wadista xarigga wariye Maxamed Cabdiwahaab Nuur (Abuja) Ururka wuxuu ugu baaqayaa mas’uuliyiinta Soomaaliya inay si dhakhso ah oo shuruud la’aan ah ku sii daayaan” ayaa lagu yiri Bayaanka Amnesty International

Warbixinta Hay’adda ayaa intaasi kusii dartay “Abuja waxaa dib u xiray saraakiil ka tirsan NISA 7dii Maarj 2020 iyadoo aysan ogeyn qoyskiisa iyo Qareenno iyo iyadoo aan maxkamad la soo taagin illaa 7 Juunyo 2020. Maalintaas, si qarsoodi ah ayaa loo geeyey maxkamadda militariga Magaalada Muqdisho iyada oo aysan la socon  reerkiisa iyo qareen”

15kii Juun 2020, laba ka mid ah Ururada  u dooda warbaahinta, aabihiis iyo mid ka mid ah qareenadiisa ayaa ku booqday xabsiga dhexe ee Muqdisho Wariye Abuja sidda ay sheegtay Hay’adda, waxaana ay sheegeen in uu  ka cabanayay madax xanuun aad u daran iyo xanuun indhihiisu qabaan oo sheegay inuu u baahan yahay daaweyn deg deg ah iyo baaritaan

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this