Sign in to follow this  
Deeq A.

War deg deg: Qarax gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, wuxuuna ka dhacay agagaarka dekedda weyn ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxaas lagu weeraray xarunta  canshuuraha Booliska oo ku taalla ka soo horjeedka dekadda Muqdisho.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha, balse waxaa qaraxa kadib rasaas xoogan laga maqlay halkaasi.

Goobta waxaa gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo xiray dhaq-dhaqaaqa aaga dekedda Muqdisho oo ku taalla degmada Xamar-Jabjab.

Faah faahinta kala soco: caasimada.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this