Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar madaafiic ah oo lagu qaaday saldhig ay leeyihiin ciidanka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday madaafiic oo saacadihii la soo dhaafay lagu qaaday saldhig ciidamada milatariga Kenya ee qeybta ka ah Amisom ay ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Weerarka oo ay qaadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa lagu ekeeyey saldhigga ciidamadaasi ee deegaanka Cabdalla Biroole.

Al-Shabaab ayaa shaacisay in weerarkaasi ay ku dishay ugu yaraan illaa 7 askari, kuna dhaawacday tiro intaasi ka badan, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhanka kale war qoraal ah oo ka soo baxay dowladda dalka Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadooda ay ka hortageen weerarka lagu soo qaaday, islamarkaana ay fashilyeen.

Xaaladda ayaa hadda degan, balse ciidamada huwanta ayaa dhaq-dhaqaaq ka bilaabay halkaasi.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this