Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo Soo Saaray Qoraal Uu Ku Cambaareynayo Xadhiga Ay Xukuumadda Somaliland Kula Kacday Telefishinada Universal Iyo Star

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay ku cambaareyneyso xadhiga ay xukuumadda Somaliland kula kacday xarumaha telefishinada Universal iyo Star ay ku leeyihiin magaalada Hargeysa.

Sidoo kale qoraalka safaaradda Mareykanka ayaa ugu baaqaya xukuumadda Somaliland, inay xushmeeyaan, isla markaana ilaaliyaan xuquuqda xoriyadda hadalka.

“Waxaan cambaareeneynaa hanjabaadaha iyo xadgudubyada ka dhanka ah suxufiyiinta iyo warbaahinta xorta ah ee Somaliland. Waxaan ugu baaqeyntaa hoggaanka Somaliland inay xushmeeyaan, difaacaan, islamarkaana ilaaliyaan xuquuqda xoriyadda hadalka. Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay ku celineysa sida ay uga go’an tahay difaaca xoriyadda saxaafadda” ayaa lagu yidhi qoraalkan oo lagu baahiyey barta Twitter-ka ee Safaaradda.

FB_IMG_1593718357949.jpg

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this