Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin Xasaasiya:Dood ka taagan Qorshe Madxaf  laga dhigayo Masaajid

Recommended Posts

Deeq A.   

Dood ka taagan Qorshe Madxaf  laga dhigayo Masaajid

Maxkamad ku taalla Turkiga ayaa dhageystay kiis lagu doonayo in madxafka la dhisay qaranigii lixaad ee Hagia Sophia dib looga dhigo Masjid, waxaana ay go’aanka ku dhowaaqi doontaa 15 sano gudahood.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa soo jeediyey in dhismahan oo muhiim u ahaa boqortooyadii Kirishtanka ee Byzantine iyo tii Islaamka ee Cusmaaniyiinta dib looga dhigo Masjid.

Dhismaha Hagia Sophia oo ahaa Masjid, kuna yaalla Istanbul, ayaa waxaa madxaf loogu beddelay go’aan ay dowladda Turkiga gaartay 1934-kii, xilligaas oo ahayd sanadihii hore calmaaniyadda uu Turkiga ka dhigay aas-aasaheeda Mustafa Kemal Ataturk. Kiiska maxkamadda ayaa waxa uu dood ka qabaa sharci-ahaanshaha go’aankaas.

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa Arbacadii ku booriyey Turkey in Hagia Sophia ay sii ahaato madxaf.

hagia.jpg?resize=696%2C391&ssl=1

Hagia Sophia ayaa markii waxay ay muddo 900 sano ahayd kaniisad, waxaana kadib laga dhigay Masjid-kii ugu muhiimsanaa taariikhda Cusmaaniyiinta muddo 500 sano ah kadib qabsashadii Istanbul.

Ecumenical Patriarch Bartholomew, oo ah madaxa ruuxiga ah ee Kirishtanka Orthodox-ka caalamka, islamarkaana fadhigiisu yahay Istanbul, ayaa sheegay in haddii Hagia Sophia laga dhigo masjid ay niyad-jebin doonta Kirishtanka, islamarkaana ay kala qeybin doonto Bariga iyo Galbeedka.

Kooxo Turkish ah ayaa sanado u ololeynayey in Hagia Sophia dib looga dhigo Masjid, waxaana baaqooda taageeray madaxweyne Erdogan.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this