Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin Yemeni Ah Oo Magaalada Hargeysa Lagu La’yahay Muddo Dhawr Maalmood Ah+Goobta Laga Kaxaystay!

Recommended Posts

Deeq A.   

 Nin Yemeni Ah Oo Magaalada Hargeysa Lagu La’yahay Muddo Dhawr Maalmood Ah+Goobta Laga Kaxaystay

hargeisa.jpg
Nin Dhalashadiisu tahay waddanka Yemen oo muddoba deganaa Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa muddo dhawr habeen ah la la’yahay meel uu jaan iyo cidhib dhigay kadib markii gaadhi ay wateen niman aan la aqoonsani kaga kaxaysteen Meherad Ganacsi oo uu ku lahaa Magaalada Hargeysa.

Sida ay wargeyska Foore u xaqiijiyeen qaar ka mid ah asaxaabtiisu, Ninkan Yemeniga ah oo lagu magacaabo Maxamed Cali Cabducasiis Muxsin oo ka mid ahaa Yemanida ku soo qaxay waddanka Somaliland ayaa dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyey la la’yahay iyada oo ay wararku sheegayaan in laga kaxaystay Meheraddiisa lana ogayn cidda kaxaysatay iyo meel lala tagay toona, walina eheladiisa iyo asaxaabtiisu baadi doon uga jiraan iyaga oo ku war geliyay ciidamada Ammaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Maxamed Cali Cabdulcasiis Muxsin oo meherad Ganacsi ku haystay Xaafadda 150-ka, Degmada 26-ka Juun ee Caasimadda Hargeysa waxa goor ku dhawaad Salaaddii Maqrib ah albaabka meheradiisa soo joogsaday gaadhi yar oo Tagsi ah, kaasi oo nimankii watay ay saareen sidaana kula tageen walina aan la garanayn waxa ay raggaasi ahaayeen iyo waxa ay ka rabaan ninkan toona.

“Waxa ay ahayd goor Maqrib ah. Ninkani waxa uu meherad Ganacsi ku haystay xaafadda 150 ka. Ma garan karno meel lala tagay iyo cidda kaxaysatay toona balse waxa meheraddiisa lagaga kaxaystay gaadi saddex maalmood ka hor. Gaadhiga ayaa la soo hor joojiyay oo lagu qaatay lamana oga meel ay la tageen. Waxaana la war galiyay oo arrintaa laga sugayaa ciidamada dambi baadhista Somaliland iyo guud ahaan laamaha ammaanka ee qaranka”. Sidaa waxa yidhi mid ka mid ahaa asaxaabta Muxsin oo arrinta ninkan nooga warramay.

Ehelada iyo asaxaabta ninkan Yemeniga ah ee la la’yahay ayaa waxa ay xukuumadda iyo gaar ahaan laamaha ammaanka ka codsanayaan in ay dardar galiyaan baadhitaanka ninkaasi iyo sidii kiiskiisa loo ogaan lahaa iyaga oo sheegay in aanay wali helin wax raad ah oo ay raacaan.

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ku sugan qaxooti u dhashay waddanka Yemen oo sannadihii ugu dambeeyey ku soo qulqulayay tan iyo markii uu dalkaasi Yemen sannadkii 2011 ka qarxay dagaaladii Gu’ga carabta oo markii dambe sabab u noqday in xukuumaddii waddankaasi Yemen ee Cali Cabdalla Saalax xukunka laga tuuro, isaga oo dalkaasi Yemen wakhtigan ku sugan xaalad bani aadamnimo tii ugu darnayd iyo dagaalo ka holcaya.

Qaxootiga reer Yemen ayaa Somaliland ka helay amni, iyo deganaansho si weyn loogu soo dhaweeyey waxaanay intooda badani hab muruq maal ah uga xoogsadaan Magaalooyinka waaweyn ee dalka, halka kuwo kale oo badanina ay ganacsiyo waaweyn ku haystaan sida Huteellada, Bacadlayaal, Magaasaano iyo goobo ganacsi oo kale. Waxaanay leeyihiin jaaliyad xaaladdooda isku xidha oo Hargeysa xafiiskoodu yaha

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this