Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin sirdoon: “Ruushka oo lacag ku bixiyay in la laayo askarta Mareykanka”

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbixin sirdoon: “Ruushka oo lacag ku bixiyay in la laayo askarta Mareykanka”

Ciidanka Mareykanka
Ciidanka Mareykanka

Sirdoonka Ruushka “waa shabakad ballaaran oo ujeedkeedu yahay in ay dagaal abuurto”, waxaa sidaas BBC-da u sheegay sarkaal horay uga tirsanaa sirdoonka Ruushka ee caalamiga ah.

Eedeyntan ayaa timid xilli dhawaan wargeysyada kala ah New York Times, Washington Post iyo Wall Street Journal, ay daabaceen warbixin muujineysa in sirdoonka Ruushka ay heshiis la galeen kooxda Taliban sannadkii hore, kaas oo dhigaya in ay dilaan askari walba oo ka mid ah ciidamada Mareykanka ee jooga Afghanistan, waxayna arrintaas ku helayaan lacag, sida la sheegay.

Haseyeeshee arrintaas waxaa beeniyay Dowladaha Mareykanka, Ruushka iyo kooxda Taliban.

Talaadadii la soo dhaafay, wasiirka difaaca ee Britain ayaa sheegay in uu ka war qabay warbixin sirdoon oo la xiriirta arrintaas. Ben Wallace ayaa yiri: “Arrinta la xiriirta warbixintaas, waxay ila tahay in aan ka warqabo ee dhanka sirdoonka ah.

Mar uu la hadlayay guddi katirsan baarlamaanka dalkaas wuxuu sheegay in hadda uusan diyaar u ahayn ka hadalka sax ahaanshaha warbixintaas, balse ay qaadeen tallaabooyin dheeraad ah.

Wasiirka difaaca ee Britain Ben Wallace
Wasiirka difaaca ee Britain Ben Wallace

Hey’adda sirdoonka Ruushka ee GRU

Saddex wargeys oo ka soo baxa dalka Mareykanka ayaa ku soo warramay in saraakiil katirsan Aqalka Cad ay ku andacoodeen in saraakiil katirsan sirdoonka Ruushka ay ku lug lahaayeen heshiiska la sheegay, ayna si gaar ah wax ka maleegeen qeyb ka mid ah sirdoonka Ruushka oo lagu magacaabo GRU.

Dalka Britain, madaxa guddiga difaaca ee baarlamaanka, Tobias Ellwood, waxaa uu sheegay in arrinta lagu eedeeyay sirdoonka Ruushka uu horgeyn doona Qaramada Midoobay.

Kooxda Taliban oo isla dalka Ruushka looga aqoonsan yahay urur argagixiso – haddana xukuumadda Moscow waxay sheegtay in warbixintaas aanay waxba ka jirin.

Askarta Mareykanka
Ciidanka Mareykanka ee Afghanistan

GRU ayaa ah hay’ad la shaqeysa sirdoonka milateriga ee dalka Ruushka, halka hey’adda SVR-na ay tahay mid ka shaqeysa sirdoonka arrimaha siyaasadda. Labadan hey’adood ayaa aad loogu yaqanaa loollanka ka dhaxeeya, mid walbana uu doonayo in uu saameyn ku yeeshay aqalka Kremlin-ka ee looga arrimiyo dalka Ruushka.

Sida uu ku soo warramay wargeyska New York Times, hey’adda GRU, gaar ahaan cutubka 29155, waxaa la sheegay in uu ahaa midkii ka dambeeyay heshiiska la sheegay in lala sameeyay Taliban.

.
Waa askari kamid ah ciidanka Mareykanka looga dilay Afghanistan

Warbixinta waxaa sidoo kale lagu sheegay in qeyb ka mid ah sirdoonka Ruushka ay mas’uul ka ahaayeen “olole loogu talogalay in lagu mija xaabiyo Yurub”, ayna sidoo kale dilal qorsheysan ka geystaan meela badan oo adduunka ah.

Waxaa muuqata in wargeysyada ay ula jeedaan qeyb ka mid ah sirdoonka militariga ee Ruushka, kuwaas oo ah sirdoon heysta taabar gaar ah.

Sirdoonka loo garanayo 29155 ayaa la asaasay xilligii midowgii Soviet, waxayna shaqadoodu ahayd in ay dib u tababaraan ciidanka katirsan militariga Ruushka, si ay ula shaqeeyaan sirdoonka militariga ee gaarka ah.

 

Sida laga soo xigtay sarkaal horay uga tirsanaa sirdoonkaas, ma ahayn oo keliya kuwa loo tababaray arrimaha siyaasadda iyo istaraatajiyadda ee sidoo kale waxay u tababarnaayeen in ay hawgal fuliyaan.

Cutubkan ka mid ah sirdoonka Ruushka ayaa sidoo kale la sheegay in uu hadda hoggaamiyo nin lagu magacaabo Jeneraal Andrei Averyanov.

Falcelintii Mareykanka iyo Ruushka

Askari katirsan ciidanka Mareykanka
Askari katirsan ciidanka Mareykanka

Mas’uuliyiinta dalka Ruushka ayaa sheegay in su’aasha ah iskaashi dhexmara Moscow iyo Taliban ay tahay arrin meesha taala.

Afhayeenka Madaxweynaha Ruushka, Dmitry Peskov ayaa sheegay in eedeymahaas ay yihiin kuwa been abuur ah.

Dhanka kale madaxweynaha Mareykanka, oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in ay tahay markii koowaad oo uu sirdoonka dalkiisa ka maqlo qorshaha GRU iyo Taliban.

“Warbixintan sirdoonka waxay ee la igu wargeliyay waxaa la ii sheegay in ay tahay mid aan la hubin oo aan la xaqiijin karin , maxaa yeelay aniga iyo madaxweyne ku xigeenkaba na looma soo sheegin,” ayuu Trump ku qoray bartiisa Twitter-ka.

Khasaaraha Mareykanka ka soo gaaray Afghanistan

US troops training the Afghan Army 215th Corp in Helmand, Afghanistan, July 2016 - US soldier kneels beside Afghan soldiers lying on the ground with rifles
Ciidamada mareykanka waxay sheegeen in ay taageerayaan ciidanka Afghanistan

Sida ay sheegtay waaxda difaaca ee Mareykanka, 22 askari ayaa Mareykanka looga dilay Afghanistan sannadkii tegay, waana tiradii ugu badneyd ee khasaara ah oo hawgalka Mareykanka ee “ilaalinta dimuqraadiyadda” ka soo gaaray dalkaas tan iyo sannadkii 2015-kii.

18 ka mid ah ciidankaas ayaa ku dhintay qarax, toogasho iyo miino dhulka loogu aasay. Isla sannadkii tegay afar askari ayaa Mareykanka uga dhimatay dalkaas, kuwaas oo ay la dhacday diyaarad. Askartaas waxaa ka mid ah kuwa si gaar ah u tababarnaa.

Sannadkan 2020, illaa 9 askari ayaa Mareykanka looga dilay Afghanistan. Balse dhammaadka bishii Febraayo, waxay Mareykanka iyo Taliban kala saxiixdeen heshiis lagu soo afjarayo colllaadda. Heshiiskaas waxaa uu dhigayaa in ciidanka Mareykanka ay si tartiib ah uga baxaan Afghanistan.

Inta badan askarta Britain ayaa Afghanistan kasoo baxay sanadkii 2014
Inta badan askarta Britain ayaa Afghanistan kasoo baxay sanadkii 2014

Sidoo kale waxaa ku xusan in Taliban iyo xulafadooda Al-Qaacida aanay weerarin militariga Mareykanka. Tan iyo bishii afaraad ma jirin askar Mareykanka uga dhimatay Afghanistan.

Warbixintan uu helay wargeyska the New York Times, waxaa sidoo kale ku jirta in Taliban lacag lagu siiyay in ay weeraraan askarta Britain ee ku sugan Afghanistan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this