Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur oo shaaciyey in Villa Soomaaliya ay ku dayato Abiy Axmed

Recommended Posts

Deeq A.   

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlayey munaasabad lagu xusayey 1-da Luulyo ayaa soo hadal qaaday xaaladda siyaasadeed ee dalka, isaga oo weerar dhanka afka ah ku qaaday madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa khubaddiisa ku sheegay in hoggaanka Villa Soomaaliya uu ku daydo ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed, islamarkaana ay qaadaan tallaabooyinka uu qaado, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in Villa Soomaaliya ay wax ka fiiriso buug laga soo min-guuriyey xukuumadda Addis Ababa.

Hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay uu sii xoogeysanayey xiriirka labada dal, kadib wixii ka dambeeyey heshiiskii saddex geesoodka ee Addis Ababa ku dhex-maray dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this