Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo ku baaqay in laga wada-hadlo khilaafka ka jira dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka hadlayey xaaladda dalka ayaa ku baaqay in wada-hadal lagu dhameeyo khilaafka ka jira dalka.

Axmed Madoobe ayaa dalbaday madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada inay fiiriyaan danaha guud ee Qaranka, si looga gudbo caqabadaha jira.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin in laga wada heshiiyo arrimaha siyaasadda ee haatan la’isku hayo, si loo aado doorasho ogol ah.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli halkiisii uu yahay khalaafka dowladda federaalka kala dhexeeyo maamullada Jubbaland iyo Puntland.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this