Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Yurub Oo Diiday In Looga Soo Dhoofo Dalalka Maraykanka, Brazil Iyo Shiinaha

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-London)-Midowga Yurub ayaa shaaca ka qaaday 14 dal oo muwadiniintooda loo arko inay badqabaaan kuwaas oo loo ogolaan doono inay qaaradaas booqdan wixii ka bilaama kowda July, iyadoo uu jiro cudurka coronavirus. Maraykanka ,Brazil, iyo shiinaha ayaa ka mid ah dalalka laga mamnuucay inay booqdaan yurub.

Dalalka la ogolaaday waxaa kamid ah Australia, Canada, Japan, Morocco iyo kuuriyadda koonfureed.

Midowga Yurub waxaa uu sheegay inay diyaar u yihiin in Shiinaha ay ku daraan liiska haddii shiinaha ay heshiis kaas la mid ah ay u ogolaadan dadka Yurub, diblumaasiyiinta ayaa sidaasi sheegay.

Waxaa xuduudaha la isugu furay muwadiniinta yurub ku nool ee safarada isaga dhex gooshaya, waxaase si gooni ah loola macaamila muwadiniinta UK kadib markii dalkaasi ka baxay yurub.

Liiska wadamada badqaba ayaa la filaya in dib u habeyn lagu sameeyo sida dalalka Algeria, Australia, Canada, Georgia, Japan, Montenegro, Morocco, New Zealand, Rwanda, Serbia, Kuuriyada koonfureed, Thailand, Tunisia iyo Uruguay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this