Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo gudbisay codsi ku aaddan Xubinimada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya, ayaa gudbisay codsi ku aaddan xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Kulan Hambalyo ah oo dhexmaray Madaxweyne Farmaajo, Wasiirka arimaha dibadadda Soomaaliya Am Cawad Danjire Abuuka Baalle, ayaa lagu wadaagay Qorshe Soomaaliya ay ku dooneyso kamid Noqoshada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Danjire Abuukar Baalle ayaa Madaxweyne Farmaajo la wadaagay warbixin ku saabsan dadaalka Ergeda Soomaaliya ee Qaramada Midoobey ay ku doonayaan hirgelinta qorshaha iyo hiigsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee sanadka 2023-ka kaas oo ah in Soomaaliya ay ku guuleysto xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo haatan codsigiisa la gudbiyey ” ayaa lagu yiri Qoraal Ka soo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya.

Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay ayaa Ka kooban 15 xubnood kuwaasi oo Shan mid ah ay yihiin joogto Sida Mareykanka,Ruushka,Ingiriiska,Faransiiska iyo Shiinaha, Halka Tobbanka kale aysan joogto ahayn iyagoo Muddo xileedkooda uu ku egyahay 2 sanno.

The post Soomaaliya oo gudbisay codsi ku aaddan Xubinimada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this