Sign in to follow this  
Deeq A.

Fanaan xalay lagu toogtay Addis ababa & Rabshado xooggan oo ka dhashay+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Fanaan xalay lagu toogtay Addis ababa & Rabshado xooggan oo ka dhashay+Sawirro

 

Hajalu Hundesa oo ka mid ahaa fanaaniinta Oromada ee caanka ah ayaa lagu toogtay xalay caasimada dalka Itoobiya ee Addis Ababa ka dib markii ay rasaas ku fureen rag aan heybtooda la garan.

Toogashada fanaankan ayaa ku soo beegantay xili uu Todobaadkii hore uu waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Tv-ga OMN, waraysigaasoo uu ku weeraray boqorkii hore ee Itoobiya ee Minilik oo ka soo jeeday qowmiyada amxaarada, waxaana ka dhashay hadal heyn badan.

Dilka loo geystay Hajalu ayaa sababi kara Khalqal iyo banaanbaxyo waaweyn oo mar kale dalkaas ka dhaca, waxaana jira walaac ku saabsan in falkan uu dib u soo nooleeyo colaadii ka dhexeysay qowmiyadaha Itoobiya qaarkood gaar ahaan Oromada iyo amxaarada.

Xalay gelinkii dambe markii uu soo baxay warka ku saabsan dilka fanaankan ayaa banaanbaxyo lagaga soo horjeeda toogashadiisa waxay ja bilowdeen qaybo ka mid ah caasimada Itoobiya iyo Ismaamulka Oromia.

Raisal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed oo ka hadlay qalabka warbaahinta dowlada ayaa ka codsaday shacabka careysan inay is dajiyaan, kana war sugaan hay’adaha nabadgalyada .

Sidoo kale Jawar Mohamed oo ah hogaamiye ka tirsan Oromada oo mucaarad ku ah dowlada Itoobiya ayaa shacabka ugu baaqay inay isdajiyaan kana war sugaan baaritaanada la bilaabay. hase ahaatee dadka isku soo baxay ayaan dhag jalaq u siinin hadaladaa kasoo yeeraya dhinacyadaa kala duwan, waxaana xalay gelinkii dambe sii xoogeystay dadka rabshadaha sameynaya, iyadoo laga cabsi qabo in subaxnimadan ay ka sii daraan banaan baxyada iyo rabshadaha.

106154152_907651946396893_64801131062961 106247572_907651979730223_33992470333977 106312667_907652179730203_76230639896214 106471190_907651753063579_51291998171241 DiKnwkwX4AEV4R3.jpg?resize=696%2C696&ssl maxresdefault.jpg?resize=696%2C392&ssl=1 rab.jpg?resize=696%2C560&ssl=1 rab1.jpg?resize=696%2C538&ssl=1 rab2.jpg?resize=696%2C526&ssl=1rab4.jpg?resize=696%2C582&ssl=1 rab5.jpg?resize=696%2C338&ssl=1 rab6.jpg?resize=696%2C338&ssl=1

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this