Sign in to follow this  
Deeq A.

Hambalyo Iyo Taageero Ku Socota Aqoonyahan Yaasiin Cumar Yare Oo U Sharaxan Golaha Wakiilada Gobolka Maroodi-jeex

Recommended Posts

Deeq A.   

Hambalyo Iyo Taageero Ku Socota Aqoonyahan Yaasiin Cumar Yare Oo U Sharaxan Golaha Wakiilada Gobolka Maroodi-jeex

03a4baf2-4933-4828-a989-b3f0c835231b-300

Waxan Halkan Hambalyo mug iyo miisaan culus uga dirayaa Musharax Aqoonyahan Yaasiin Cumar Cabdi (Yaasiin Cumar Yare) oo u sharaxan Golaha Wakiilada Gobolka M-jeex. Aqoon-yahayn Yaasiin Cumar Yare oo kamida Aqoonyahanka dalka dibadiisa ku nool isla markaasina sanadihii ugu danbeeyey ku noolaa caasimada Hargeysa, ayaa waxa uu kamid yahay, dhalinyarada fara ku-tiriska ah ee Alle hibada u siiyey karaamada iyo sharafta hogaamiyenimada ah ee loo dhasho, isagoo isla markaana kamida hantida gaarka ah ee Gobolka Maroodi-jeex ka sugaayo inay hiil uga noqdaan heeryada maamul-xumo iyo musuq-maasuqa bariinsaday ee uu baday Golaha Wakiilada mudada dheer sharci-darada iskaga fadhiyey Kuraasida Golaha Wakiilada Somaliland.

Musharax Aqoonyahan Yaasiin Cumar Cabdi (Yaasiin Cumar Yare ayaa bulshadu aad ugu diiraadeen markii uu soo gaadhay warka sheegaya inuu u taaganyey doorasha soo socota ee Golaha Wakiilada Gobolka M-jeex .

Aqoonyahan Yaasiin Cumar Cabdi oo kasoo-jeeda qoys balaadhan oo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed magic iyo maamuus kuleh, gaar ahaan bulshada reer Somaliland-na ka caan ah oo ay kasoo-jeedaan halyeeyo badan oo uu kamid yahay musharaxani, kuwaasi caan baxay wakhti iyo dadaal badan oo ay galiyeen horumarinta arimaha bulshada ee dhinacyada Fanka, Suugaanta, Samafalka iyo guud ahaanba horumarinta Arimaha Bulshada, ayaa waxa bulshadu ka filan kartaa inuu kaalin muhiima ka ciyaari-doono xubinimadiisa Golaha Wakiilada hadii Alle qaaro oo uu ku guulaysto doorashada.

Guntii iyo gabagabadii waxan maqaalkaygan kusoo af-meerayaa Musharax Aqoonyahan Yaasiin Cumar Yare, Baahi weyn bay bulshada gobolka M-jeex u qabaan inuu kusoo biiro hogaankooda maamul ee Golaha Wakiilada Gobolka, waanu ku guulaysanayaa insha alaah hankiisaas iyo himiladiisaas Siyaasadeed ee uu isu soo taagay.

Allaa Mahadleh

Cismaan Kaahin Dubad

Hargeysa/Somaliland

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this