Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin:Afti laga yaabo inay madaxweynaha Ruushka u sahasho inuu xilka hayo muddo 36 sano

Recommended Posts

Deeq A.   

Afti laga yaabo inay madaxweynaha Ruushka u sahasho inuu xilka hayo muddo 36 sano

Codbixin xilli hore ah oo qeyb ka ah aftida 2020-ka ee loo aadayo isbaddalka dastuurka Ruushka oo ka dhacday gobolka Khanty-Mansi AutonomousCodbixin xilli hore ah oo qeyb ka ah aftida 2020-ka ee loo aadayo isbaddalka dastuurka Ruushka oo ka dhacday gobolka Khanty-Mansi Autonomous

“Putin la’antiis Ruushka ma jiraayo.” Tani waa fikradda uu aaminsanyahay ku xigeenka madaxa shaqaalaha madaxtooyada ee dalkaas.

Sidoo kale waxaa sidaasi aaminsan malaayin shacabka Ruushka ah oo toboneyo sano u soo dooranaayay Vladimir Putin, inuu noqdo Raisul wasaare ama madaxweyne.

Kalsoonidaan ayaa laga yaaba in dib loo cusbooneysiin 1da Luulyo, ka dib markii ay dhacdo afti dadweyne oo loogu talagalay in wax lagaga beddelo dastuurka Ruushka, kaas oo u oggolaanaya Madaxweyne Putin inuu mar labaad u tartamo muddo lix sano ah oo dheeraad ah ee madaxweynenimada dalkaas.

Hogaamiyahan 67 sano jirka ah ayaanan meesha ka saarin inuu mar labaad u tartamayo jagada madaxweynaha wixii ka dambeeya 2024, marka waqtiga hadda la joogo uu dhammaado – wuxuuna awood u yeelan karaa inuu xukunka sii hayo illaa 2036.

Aftidan ayaa la qaban doonaa maalin kadib markii la xuso sannad-guuradii 75-aad ee ka soo wareegtay xukunkii Jarmalka iyo dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee addunka ee Yurub.

Maxaa loo qabanayaa afti?

Madaxweyne Putin wuxuu siyaasadda Ruushka gacanta ku hayay 20 sanoMadaxweyne Putin wuxuu siyaasadda Ruushka gacanta ku hayay 20 sano

Bishii Janaayo 2020, Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin wuxuu soo jeediyay in la helo codad badan si wax looga baddalo dastuurka.

Mid ka mid ah arrimaha ugu muhiimsan ee codka loo dhiibanayo ayaa ah suurtagalnimada ah in loo oggolaado Madaxweyne Putin inuu mar labaad u tartamo jagada madaxweynenimo si uu xilkaasi u haayo lix sano oo dheeri ah.

Aftida, ayaa markii hore qorshahu ahaa in la qabto 22 Abriil balse waxa dib loogu dhigay sababa la xiriira xayiraadda feyraska Corona, balse hada waxa la qaadi doono aftida 1da Luulyo.

Si loo dhaqan geliyo tallaabooyinka kala fogaanshaha, codadka ayay dadka dhiiban doonan muddo shan maalmood gudahood ah.

Waxayna sidoo kale aftida ka dhici doonta gobolada sida daran uu u saameyay xanuunka Covid-19.

Dad kooban ayaa loo oggolaan doona inay galaan goobaha codbixinta ay ka dhaceyso, magaalooyinka qaarna, sida Moscow waxay dadka codka u dhiibnayaan qaab elektiroonigga ah.

Muxuu yahay qorshaha Putin?

.

Qarnigii kow iyo labaatanaad oo dhan shacabka Ruushku waxay Vladimir Putin u yaqaaneen inuu yahay ninka ugu sareeya.

Dadka dalkaasi badankood ayaa u soo joogay iyadoo Putin loo magacaabay Rai’sul wasaare sanadii 1999-kii, hadanna sanadii 2000 – 2008, waxaa loo doortay madaweyne, hadana wuxu dib ugu laabtay ra’iisul wasaarenimo intii u dhaxeysay 2008 – 2012, isla 2012- ayaa hadana dib loogu doortay madaxweyne nimo.

In kasta oo Madaxweyne Putin aanu sheegin inuu raadinayo dib-u-doorashada, haddana ma uu beenin, dhaleeceeyayaasha waxay ku eedeeyeen inuu jidka u xaaranaayo in awoodda dalkaasi uu si haayo illaa 2036.

Waxay u muuqata in taageero badan loo haayo Putin oo markii ugu dambeysay ee la sameeyo codbixinta sanadka 2018, wuxuu helay in kabadan 76% codbixinta.

Xilligan, “waxa uu sameeyay intii karaankiisa ah ee u ku muujin karay inuu ka qoomameynaya inuu aqbalo soo jeedinta ah inuu tartamo, wuxuuna tilmaamay inay jiraan dad ka hooseya oo dalbanaayo arrinkaas,” ayay tiri weriyaha BBC-da ee Ruushka, Sara Rainsford.

Wuxuu sidoo kale ka dhawaajiyay in Ruushku aan wali la horumarin oo ku filan isbedel madaxweyne.

“Dad badan ayaan wax dhibaato ah ku qabi doonin arrinta ah in awoodda dalkaas uu sii haayo. Haddii aysan dhab ahaan jeclayn Mr Putin, iyagu xitaa dhab kama aha. Ma jiraan wax kale oo lagu beddelan karo ayaa sidoo kale dad badan aaminsanyihin,” ayay tiri Rainsford.

Sidee Putin ku noqday lama huraan?

Xilligii uu Vladimir Putin ka tirsanaa sirdoonka RuushkaXilligii uu Vladimir Putin ka tirsanaa sirdoonka Ruushka

Maalmihii u dhamaanayay dagaalkii qaboobaa ee u dhaxeeyey shuuciyada iyo galbeedka ayaa ahaa maalmihi uu soo can baxay Vladimir Putin.

Kacaankii 1989 ayaa la wareegey isaga markii lagu dhajiyay inuu yahay wakiilka Jarmalka.

Arrintaas ayaa ku ridday meel cidlo ah, balse waxa uu ka dhaxlay labo aragti oo waarta: cabsi laga qabo kacdoonno caan ah – ka dib markii la arkay mudaharaadyo dadweyne oo sababay burburka derbiga Berlin iyo daahii birta – iyo nacaybkii ku yimid awooddii ka soo baxday Moscow ka dib burburkii USSR.

Siduu awoodda ku qabsaday?

Vladimir Putin waxaa lagu yaqaannay inuu mar walba la yimaado waji cusub oo siyaasadeedVladimir Putin waxaa lagu yaqaannay inuu mar walba la yimaado waji cusub oo siyaasadeed

Kadib markii uu ku soo laabtay magaalada Leningrad ee uu ka soo jeedo wuxuu durbaba gacan yare u noqday duqa magaalada.

Dhanka bariga Jarmalka, Putin wuxuu qayb ka ahaa shabakad shaqsiyaad laga yaabo inay waayaan kaalimadoodii hore, laakiin waxaa si wanaagsan loogu meeleeyay inay shakhsi ahaan iyo siyaasad ahaanba ku barwaaqeeyaan Ruushka cusub.

Putin ayaa caan noqday – wuxuu xitaa ka badbaaday Sobchak dhicitaankiisii cajiibka ahaa ee nimcadiisa wuxuuna sii waday inuu si guul leh ula qabsado Rushka cusub .

Wuxuuna marki dambe u wareegay Moscow halkaas oo uu shaqo ka helay xukumaddii markaas maamuleysay Ruushka.

Markaas iyada ah waxa dalkaasi xukumaayay oo madaxweyne cusub oo ahaa Boris Yeltsin.

Ganacsato sida Boris Berezovsky ayaa taageerayaal muhiim ah u noqday Yeltsin, waxayna noqdeen kuwa saameyn xoogan ku leh aragtida dadweynaha waqti ay doorashada madaxweynanimo lagu jiray.

Markii la gaaray 1999 madaxweyne Yeltsin wuxuu Raisul was are u magacaabay Vlatimir Putin.

Si lama filaan ah ayuu madaxweyne ku noqday

.

Dhaqanka Yeltsin ayaa is badaley, wuxuuna ku dhawaaqay inuu si lama filaan ah shaqada isaga casiley 31kii Diseembar 1999.

Putin, oo ay taageersan yihiin Berezovsky iyo xuno kale oo muhiim ah, ayaa si buuxda isugu meeleeyey inuu noqdo ku-simaha madaxweynaha, ka hor inta uusan guushii rasmiga ahayd ee doorashada bishii Maarso 2000.

Dadkii taageersanaa markaaasi iyada ah waxay u arkaayeen mid ka tallin doona danahooda balse 3 bilood gudahood Putin wuxuu kula wareegay awoodda warbaahinta.

Warbaahinnom adaxbanaana sida NTV ayaa albaabada loo laabay.

La wareegidda xukunka warbaahinta waxay madaweynaha cusub u lahayd faa’iidooyin laba geesood ah: in meesha laga saaro dhalleeceeyayaasha awoodda leh saameynta ay leeyihiin iyo qaabaynta sheekada, laga bilaabo dagaalkii Chechen ilaa weeraradii argagixiso ee Moscow.

Waxay sidoo kale kor u qaadday qiimeynta madaxweynenimada, waxay saadaalisay muuqaal awood badan oo ku saabsan Ruushka cusub iyo hogaamiyaheeda, waxayna gacan ka geysatay qeexida cadaawayaasha cusub ee dowlada.

Xilligaas wixii ka dambeeyay, dadka degan gobolada Ruushka waxay kaliya daawanayeen waxa Putin uu doonayo inuu daawado.

Ku dhawaad 3,000 kanaal telefishan oo ku yaal Ruushka, badankood waxay ka fogaadaan wararka gebi ahaanba, iyo haddii warbixin kasta oo siyaasadeed dhacdo, lama baahiyo ilaa dawladda ay si buuxda u sharciyeeyneyso.

“Ha igu khaldamin”: farriin ku socota gobollada

.

Putin wuxuu tartiib tartiib ula wareegay 83-da gobol ee Russia isagoo u magacaabay siyaasiyiin aamin ah inay goboladaasi ka noqdaan barasabyo.

Wuxuu meesha ka saaray doorashadii gobolada ee barasabyada sanadii 2004 – wuxuuna la yimid liiska ay ku qoran yihiin seddex murashax oo baarlamaanka gobolka ah si ay u doortaan gudoomiye kuxigeenkooda.

In kasta oo dadka dhaleeceeya Putin ay ku eedeeyeen ‘in uu mesha ka saaraayo dimuqraadiyadda’, haddana istiraatiijiyaddiisu waxay ka shaqeysay gobolada gaar ahaan Chechnya.

Doorashadii ka dhici jirtay goballada waxyar bay soo noqotay sanadkii 2012 kadib mudaaharaadyo dimoqraadiyada lagu dalbanaayay, laakiin bishii Abriil 2013 kontaroolka tooska ah ee Putin ayaa dib loo soo celiyay iyada oo la soo saaray sharciyo xaddidan oo cusub.

Marmarsiiyada dib u xoreynta, oo magaca kaliya ah

.

Mudaaharaadyo tiro badan oo isdaba joog ah ayaa ka dhacay Moscow iyo meelo kale oo ka tirsan Ruushka laga soo billaabo 2011-kii illaa 2013-kii, kuwaasoo lagu dalbanayay doorashooyin nadiif ah iyo dib-u-habayn dimuqraadiyadeed.

Kuwani waxay ahaayeen mudaaharaadyadii ugu ballaarnaa ee Russka laga sameeyo tan iyo 1990-meeyadii.

Waxaa sidoo kale jiray gugii carabta iyo ‘kacdoonno midabbeysan’ oo laga sameeyay waddamada deriska ah, taasoo dib u soo celiyay xusuustii 1989.

Putin wuxuu dibadbaxyadaasi u arkay kuwo ay dabada ka rixayaan dowladdaha reer galbeedka si loo fashilo xukumaddisa.

Qabashadii gobolka Crimea ee ka tirsanaa Ukraine

.

Qabsashadii Ruushk uu kula wareegay gobolka Crimea ee dalka Ukraine waxay Putin u ahayd guul siyaasadeed, waxayna dharbaaxo ku noqotay dalalka reer galbeedka.

Ruushka waxaa uu muujiyay in uu la wareegi karo qeybo kamid ah dalka deriska la ah, xilli dunida ay indhaha ka daawaneysay, ayna ku guul dareysatay in ay wax ka qabato.

Sida ay qabaan khubarada falanqeeya arrimaha gobolkaas, Putin waxa uu fahmay in Ruushka uusan u baahneyn in dalkiisa uu noqdo awoodda dunida, sidii ay waayadii hore ahaan jirtay ba.

Putin waxa uu heystay awood ku filan oo uu dalalka reer galbeedka iyo NATO wax uga badeli karay.

Crimea waxay ahayd duullaankii ugu weynaa ee Ruushka uu qaado waayahan, balse ma aysan noqonin mid lagu takooro.

Garab istaaggii Suuriya

Russia's President Vladimir Putin speaks at Red Square in Moscow, on May 9, 2014, during a Victory Day parade. Thousands of Russian troops marched in Red Square to mark 69 years since victory in World War II, in a show of military might amid tensions in Ukraine following Moscow's annexation of CrimeaRussia’s President Vladimir Putin speaks to troops in Moscow following Russia’s annexation of Crimea

In muddo ahna, Putin waxaa la sheegay in uu tijaabinayay sal ballaarsiga siyaasadeed ee dibadda, waxaana meelihii uu tallaabooyinka ka qaaday kamid ahaa dalka Suuriya oo dowladda dalkaas uu ku gacan siiyay dagaalka ay kula jirto mucaaradka.

Dhinac ahaan waxa uu xaqiiqsaday in uu gacanta ku dhigay dal udub dhexaad u ah bariga dhexe, halka uu sidoo kale fursda u helay in uu tijaabiyo xeeladdiisa milateri.

Ma jirto cid saadaalin karta mustaqbalka dunida balse dadka daraaseeya dalkaas waxay aaminsan yihiin in Putin uu dejin karo qorshe siyaasadeed.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this