Bootindheere

Punt land’s new love affair with Galmudug

Recommended Posts

Cabdiweli Gaas “Xuduuda Puntland Waxay Noqon Godinlabe Iyo Guriceel”

 July 1, 2015

 3 Less than a minute

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyay munaasabadda 1-da Luuliyo oo lagu qabtay magaalada Garoowe ayaa ku dheeraaday ka hadlay shirka Cadaado iyo sidoo kale eedeynta dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Gaas in marnaba aanay Puntland u dulqaadan doonin, daandaansi uu sheegay in laga wado magaalada Cadaado, islamarkaana lagu xadgudbayo dhulka Puntland.

“Waxa ka socda Cadaado ma ahan wax saxan, maxaa yeelay waxaa lagu sheegtay dhul maamulkaasi la dhisayo aanu shaqo ku lahayn, sidoo kalena Puntland waxay cadeynaysaa in aysan diyaar u ahayn kala geynta Soomaali, laakiinse ma aqbli donno sheegashada dhulkeena” ayuu yiri Gaas.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay Madaxweynaha Puntland hadii ay runta gaarto in xuduuda aysan noqon doonin Nugaal, ee ay noqon doonto Godinlabe iyo Guriceel.

“Wey ogyihiin in aysan xuduudooda noqon karin Nugaal, laakiinse waxaa hubaal ah marka ay runta tagto in aysan xuduuda Nugaal noqoneyn, balse ay noqon doonto Godinlabe iyo Guriceel” ayuu yiri Gaas.

Ugu dambeyn Cabdiweli Maxamed Gaas ayaa sheegay hadii sida hadda dowladda wax u wado ay kusii socdaan in Puntland ay aayaheeda ka tashan doonto waa sida uu hadalka u dhigaye.

Puntland ayaa kasoo horjeestay dhismaha maamulka Galmudug, waxaan ay ku sheegeen mid hareer marsan Dastuurka KMG ee dalka u yaalla.

Goobjoog News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Qoor Qoor iyo Cabdi weli Gaas oo kulan ku yeeshay Gaalkacyo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor ) ayaa Madaxtooyada Magaalada Gaalkacyo kusoo dhaweeyay Madaxweynihii hore ee Puntland Prof. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

 

Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa iska xog wareystay xaaladaha guud ee siyaasada dalka iyo tan gobolka Mudug oo shirar kala duwan ay ka socdaan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor ) ayaa in ka badan todobaad waxaa uu ku sugan yahay Magaalada Gaalkacyo,waxaana la filayaa in Maanta uu booqdo saldhigyo Ciidan

 

HADHWANAAGNEWS.CA

Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynihii hore ee Puntland

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Puntland waxaa alle siiyay shacab wanaagsan waligayna waan amaani intaan noolahay.

Siyaasigooda, yaa mar walba khariban waana nasiib isku beegmay.

Qoor'qoor way tijaabinayaan inuu sidii "xaaf" qaraab u baahanyahay iyo in kale waxayna miiska saaraan mar walba keychain calanka carabtu ku sawiran-yahay.

Waxay hoy siiyeen sun-wa jameeca oo ilaa iyo hadda dhib ka dhex wada gobolada dhexe.

Macnaha puntland waxay badeshay Ethiopia oo dalka laga burburin jiray wayna soo dhawaynayaan mucaarad kastoi hubaysan.

Gobolada dhexe waxaa laga rabaa inay wax fahmaan oo iska daayaan isbaarada fikirka iyo tan jidka labadaba, dadkooda iyo dalkoodana u shaqeeyaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Good to see them sorting out their trivial differences and working for the greater good. Somalis follow personalities and not the system. We need to espect the system because personalities come and go.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.