Sign in to follow this  
Deeq A.

Haji Ali Sulfik oo geeriyooday isagoo maalin ramadaan ah akhrinaya qur’aanka kariimka

Recommended Posts

Deeq A.   

Adana (Caasimadda Online) – Waxaa Baraha Bulshada ee dalka Turkiga qabsatay geerida ku timid Haji Ali Sulfik, oo Allaha uu oofsaday isagoo aqrinayo qur’aanka Kariimka ah.

Haji Ali Sulfik oo ahaa wadaad Xaafidul Qur’aan ah, islamarkaana daganaa Magaalada Adana ee dalka Turkiga ayaa geeriyooday isagoo Maalin ramadaan ah aqrinayo qur’aanka Kariimka.

Wadaadkaan ayaa wuxuu qur’aanka kariimka baray boqolaal qof oo ku nool dalka Turkiga gaar ahaan magaalada uu kasoo jeeday ee Adana.

Sawiro lagu faafiyey baraha Bulshada ayaa muujinayey wadaadkaan oo ay nafta ka baxday isagoo Qur’aanka aqrinayo, waxaana la arkay isagoo meyd ah oo ku kor jiifo kitaabka Qur’aanka.

%D8%AD%D8%AC%D9%8A-%D8%B9%D9%84%D9%8A-%D

Inta badan dadka arrintaan ka hadlay ayaa ku tilmaamay inay tahay khaatimo fiican oo uu wadaadka ku dhintay maadaama uu ahaa wadaad inta badan waqtigiisa ku qaatay aqrinta Qur’aanka Kariimka.

“عاش على القرآن ومات عليه”.. وفاة حجي علي شلفك أحد محفظي القرآن الكريم في ولاية آيدن التركية والذي تخرج على يديه مئات الحفاظ والقراء pic.twitter.com/L48WiLvSBv

— قناة الجزيرة (@AJArabic) April 30, 2020

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this