Deeq A. Posted May 1, 2020 Tartan aqooneedka shabakada warbaahinta Shabelle ayaa caawa gelaya is-araga labaad ee wareega koowaad, waxaana ku balansan degmooyinka Wadajir iyo Howlwadaag. Labadan degmo ayaa is-aragii labaad waxay bar-baro lasoo galeen degmooyinka Dharkenley iyo Kaaraan. Dhamaantooda waxay ka tirsan yihiin gobolka Banaadir. Tartameyaasha Wadajir iyo Howlwadaag ayaa rajeyneya ain ay bandhig fiican oo qanciya dhageysteyaasha iyo daawadayaasha Shabelle ay soo bandhigaan. Barnaamijka tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa sanadkan wuxuu ka xiiso badan yahay sanadihii hore. Taaba-gelinta sanadkaan tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan waa dalada Somali Forex Association ee loo soo gaabiyo (SOFA), halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee M/ Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites