Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo hanjabaad culus u diray Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
Cali-Jeyte-Cismaan.jpg?w=1000&ssl=1Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan  Cali Jeyte Cismaan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Beledweyne ayaa si adag uga jawaabay codsi uu dhowaan madaxweyne deni u diray ganacsatada Puntland oo la xiriiray in aysan wax Raashin ah u rarin meel ka baxsan Puntland si loo beekhaamiyo Raashinka yaalla gudaha Puntland.

Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay in hadalka madaxweyne Deni uu saamayn xooggan ku yeeshay gobolka Hiiraan maadaama dadka ku nool Hiiraan noloshoodu ay ku tiirsantahay Raashinka laga keeno dekedda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Mudane Jeyte ayaa ku hanjabay in haddii aysan Puntland ka laaban go’aankaas ay dadka Reer Hiiraan ganacsigooda la aadi doonaan dekedaha kale ee Soomaaliya islamarkaana ay joojin doonaan Khudaarta loo iib-geeyo degaannada Puntland

Isagoo hadalkiis sii wata ayuu sidoo kale sheegay in ay canshuur xad-dhaaf ah ku soo rogayaan Khudaarta loo iib-geeyo degaannada Puntland si ay u joogsato khudaartaas.

Hoos ka daawo hadalkiisa oo dhan

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo hanjabaad culus u diray Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this