Sign in to follow this  
Deeq A.

Liin dhanaantu Daawo ma u tahay Xanuunka Coronavirus+Cimilada Kululise ma dili kartaa?

Recommended Posts

Deeq A.   

  • .
Dadka qaar ayaa aaminsan in liin dhanaanta lagula tacaali karo coronavirus

Liin dhannaanta iyo dawo dhireedka qaarkeed ayaa meelaha qaar laga soo tabiyay inay wax badan u tareen dadka uu ku dhacay xanuunka coronavirus, inkastoo wali aan caddeyn dhinaca seyniska ah loo heynin inay daawo u yihiin cudurka safmarka ah ee dunida ku faafay.

Waxa ugu weyn ee ilaa hadda la hubo waxtarkiisa si cudurkan loola dagaallamo waxay dhakhaatiirta ku sheegeen ka hortagga iyo dadaalka ku aaddan sidii loo yareyn lahaa faafitaanka cudurka.

Sidaasoo ay tahay waxaa soo baxaya talooyin badan oo la xiriira sida ay dadka u waji karaan cudurkan aan wali daawadiisa la helin.

Dr Maxamed Maxamuud Cali Fuje, oo maanta toos uga qeyb qaatay barnaamijkii ku baxay idaacadda duhurnimo ee BBC Somali ayaa dhageyste uga jawaabay su’aal ku saabsaneyd in liin dhanaanta ay dawo u tahay coronavirus iyo in kale.

“Liin dhanaantu sida guud waa daawo waana Vitamin C, laakiin ma aha dawo cilmi baaris lagu sameeyay oo dileysa cudurkan. Balse way caawin kartaa oo waxay qeyb ka tahay waxyaabaha dhisa difaaca jirka”, ayuu yiri Dhakhtarka.

.Khudaarta qaarkeed ayaa sare u qaadda fitamiinnada xoojiya difaaca jirka

Wuxuu dhinaca kale meesha ka saaray hubaasha in liin dhanaanta lagu dhaqan karo gacmaha.

“Ilaa mahha ma heyno caddeyn dhinaca seyniska ah. Waxa aan ognahay waa in gacmaha lagu dhaqi karo biyo iyo saabuun oo ilaa 20 ilbiriqsi lagu dhaqanayo. Haddii aadan saabuunta heysanin ku dhaqo dareeraha jeermis dilaha ah haddii aadan intaas heli karinna danbas iyo biyo isticmaal”, ayuu yiri.

Wuxuu Dr Fuje ku taliyay in qofkii isaga shakiya xanuunka uu gurigiisa joogo, laakiin haddii deegaankiisa laga heli karo xarumo caafimaad oo loogu talagay coronavirus iyo goobo karantiil ah uu si dhakhso ah ula xiriiro.

Dhanka kale, wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay fikradaha qaba in coronavirus uusan ku dhaceynin dadka muslimiinta ah iyo bulshooyinka ku nool dalalka kuleylaha ah.

.

Coronavirus ayaa dunida kasoo ifbaxay dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay, markii ugu horreysayna wuxuu ka billowday magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha, ka hor inta uusan si deg deg ah ugu fidin caalamka intiisa kale.

Khubarada seyniska ayaa si weyn ugu mashquulsan tallaalka dawada u ah cudurkan, kaasoo la sheegayo inuu qaadan karo muddo ka badan sanad.

Maxaa ugu dambeeyay xaaladda coronavirus?

Isku darka tirada dadka cudurkan ugu geeriyooday caalamka ayaa kor u dhaaftay 100,000 oo ruux.

Waddanka ay dadka ugu badan ku dhinteen waa Talyaaniga oo hadda maraya (18,850 dhimasho), halka ay kusoo kala xigaan Mareykanka (17,927 dhimasho) iyo Spain (15,970 dhimasho).

Tirada guud ee dadka uu cudurkan ku dhacay ilaa hadda waa 1,652,643 qof. Waxaa ka caafimaaday 369, 938. Dhammaan tirooyinkan waxay ku saleysan yihiin waqtiga warbixintan la qorayay.

Soomaaliya iyo xaaladda coronavirus

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo Jimca ah xaqiijisay in 7 kiis oo cusub ay ku biireen dadka uu cudurka ku dhacay ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Tirada guud ee dadka uu Covid-19 kula dhacay Soomaaliya waa 19. Hal qof ayaa ilaa hadda u dhintay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this