Sign in to follow this  
Deeq A.

Qabashada codsiga baasaboorka oo la hakiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay la si KMG ah loo hakiyay bixinta qabashada codsiga Baasaboorka,iyadoo laga duuliyo taxadirka laga muujinayo fiditaanka cudurka Corona-Viruska.

Agaasimaha Hay”adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS Col. Maxamed Aadan Koofi oo lahadlay warbaahinta  ayaa sheegay in la hakiyay qabashada codsiga Baasaboorka ilaa wargelin dambe saameynta Virus-ka Corona awgeed.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah dadaalada la xiriira ka hortagga fiditaanka Covid-19 oo ay waddo dowladda Soomaaliya,iyadoo ay jiraan wacyigelino joogto ah oo ay hay’adaha dowladda Soomaaliya u sameynayaan qeybaha kaladuwan ee bulshada Soomaaliyeed.

Cudurka Corona-Virus ayaa sameyn dhankasta ah ku yeeshey nolosha bulshada caalamka,iyadoo ay bar bar socdaan dadaalo dowladuhu ay ku yareeynayaan kororka wax-yeelada cudurkan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this