Deeq A. Posted April 5, 2020 Faah faahin dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal beeleed khasaare geystay oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa ka qarxay deegaanka Bali-Cad oo hoos yimaada magaalada Cadaado ee gobolkaasi. Wararka ayaa sheegay in dagaalka oo u dhexeeyey laba maleeshiyo beeleed uu yimid, kadib markii ay isku qabteen arrimo la xariira dhul-daaqsimeed. Ugu yaraan illaa labo qof ayaa ku dhintay dagaalka, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Xaaladda ayaa ah weli mid kacsan, waxaana is-hor fadhiya maleeshiyaadka labada dhinac oo dhaq dhaqaaqyo ka wada halkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites