Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidan Itoobiyan ah oo laga bixiyey laba fasiraad oo kala duwan oo soo galay Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Luuq (Caasimada Online) – Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegay in ciidamo Itoobiyaan ah oo cusub ay soo gaareen degmada Luuq ee gobolka Gedo, ayaga oo kusoo wajahan deegaano kale oo ka mid ah Jubaland.

Ciidamadan oo dhowaan kasoo gudbay xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa saraakiil la hadlay Caasimada Online waxay sheegeen inay ku wajahan yihiin gobolka Jubbada Dhexe.

Goobjoogeyaal ayaa Caasimada Online u sheegay ciidamada Itoobiyaanka ay xiran yihiin dharka iyo Koofida Cagaaran ee ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Amisom, ayna ku socdaan gaadiid ay ku buufsan tahay sumaddda Amisom.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ee wehliya kuwa Itoobiya ayaa sheegay in u jeedka ciidankaas uu yahay gacan ku dhigista Gobolka Jubada Dhexe, oo ay gacanta ku hayso kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, saraakiil ka tirsan maamulka Jubaland ayaa ku tilmaamay ciidankan kuwa dalka si sharci-daroo ah ku jooga, oo ku gabanaya magaca Amisom, ayaga oo taageeraya qorshaha dowladda federaalka ah ay ku qabsaneyso deegaanada Jubaland.

Saraakiisha Jubaland ayaa sidoo kale ku dooday in ciidamada Amisom ee xilligaan ku sugan deeganada Jubaland ee ka socda Kenya iyo ciidamada daraawiishta Jubaland ay ku filan yihiin aminga deegaanada Jubaland islamarkaana aysan jirin sabab ay dowladada Itoobiya ay ciidamo ugu soo dirto Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigeen.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubaland ayaa waxaa muddo u dhaxeeya xiisad hogaamisay dagaal ka dhacay degmada Beled-Xaawo, waxaana kala taageeraya ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this