Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in askari ka tirsan ciidamada Puntland uu fuliyey qaraxii Garoowe?

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidanka booliska Puntland Cabdi Waaxid Cabdulle Muuse ayaa beeniyey warar lagu baahiyey baraha bulshada, oo lagu sheegay in askari ka tirsan ciidamada Puntland uu ahaa is-miidaamiyihii isku qarxiyey guddoomiyihii gobolka Nugaal ee ku dhintey qarixii ka dhacay Garoowe.

Cabdi Waaxid ayaa sheegay in warkaasi uu yahay mid sal iyo raad midna aanan laheyn, isla markaana dadka baahiyey ay yihiin kuwo doonaya inay ku ciyaaraan sharafta Puntland.

Afhayeenka, oo uu garab taagnaa askarigii lagu been abuurtay ee la sheegay inuu is qarxiyey, ayaa intaas ku daray in ciidamada booliska Puntland ay yihiin kuwo u taagan difaaca Puntland, sidoo kalena shacbaka looga baahan yahay inay la shaqeeyaan.

Illaa iyo hadda ma cadda qofka sida rasmiga ah u fuliyey qaraxa, hase yeeshee kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa maalin kadib qaraxa sheegay in Puntland ay ka war heysay xogta qarxaasi, balse uu dhacay, xilli ay ku raad-joogeen laamaha amniga ee maamulkaasi.

Deni ayaa wuxuu mas’uuliyadda qaraxaan ku eedeeyey inay ka dambeeyeen dad uu sheegay inay ka soo horjeedaan horumarka Puntland, sida uu hadalka u dhigay.

Hoos ka daawo muuqaalka 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this