Sign in to follow this  
Deeq A.

Fahfaahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay Wanlaweyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Wanlaweyn (SMN) – Xaalada degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa degan kadib dagaalo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay.

Dagaalka oo u dhaxeeya maleeyshiyo beeleed ayaa la tilmaamay in uu salka ku hayey aanooyin qabiil oo ku saabsan dilal dhacay.

Ismaaciil Khaliifa, agaasimaha Radio Wanlweyn, ayaa sheegay in lix qof ay ku dhinteen dagaalka, in ka badan tobbana ay ku dhaawacmeen.

Wareysi gaar ah oo uu siiyey Idaacada Shabelle ayuu ku sheegay in dedaalo lagu qaboojinayo xiisada ay socdaan.

Waan-waanta waxaa qeyb ka ah ciidamada xoogga oo kala dhex-galay dhinacyadda dirirtu dhexmartay oo dhankoodu khasaaro soo gaarey.

Dagaal beeleedyadda ayaa kusoo laab-laabtey degmada Wanlaweyn, iyaddoo maamulka halkaas ka jira uu ku guuldareystay in uu xal waara keeno.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this