Deeq A. Posted March 29, 2020 Taliska ciidanka Xoogga dalkaayaa faah faahin guud ka bixiyey howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Afhayeen u hadlay ciidanka Xoogga Soomaaliyeed oo lagu magacaabo, Korneyl Ismaan Shabeel ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyey ciidamadu ay ka soo hoyeen guullo taariikhi ah, islamarkaana ay ku qabsadeen deegaano ay ka mid tahay Janaale. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in howlgalladu ay sii socon doonaan, tan iyo inta Al-Shabaab laga saarayo gobolkaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/03/COD-1.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites