Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wakiillada Oo Diiday Inay Ansixiyaan Labadii Xubnood Ee Xisbiyadda UCID Iyo WADDANI U Matalayay Komishanka Doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xildhibaannada Golaha Wakiillada Somaliland, oo maanta isku yimid Fadhi aan Caadi ahayn oo uu dalbaday Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayay ku Diidee inay ansixiyaan labadii xubnood ee xisbiyadda UCID iyo WADDANI u matalayay komishanka doorashooyinka.

Labadan ayaa kala ahaa Cabdifataax Ibraahim Xasan oo UCID soo Magacaabay iyo Cabdikariin Yaasiin Sheekh Dalmar oo WADDANI soo Magacaabay.

Cabdifataax Ibraahim Xasan oo xisbiga UCID matalayay waxa ogolaaday 29 Xildhibaan.

Fadhiga Saaka ee golaha wakiillada ayaa waxa ka soo xaadiray 51 Xildhibaan.

Cabdikariin Yaasiin Sheekh Dalmar oo xisbiga WADDANI matalayay waxa ogolaaday 31 Xildhibaan.

Xubnahan ayaa la doonayay inay ogolaadaan 42 Xildhibaan si ay uga mid noqdaan guddiga doorashooyinka.

Muuqaalka Warkan goor-dhaw kala soco Somalilandtoday

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this