Deeq A. Posted March 28, 2020 Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxayaan weerar loo adeegsaday qarax miino oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay duleedka deegaanka Janaale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed. Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa lagu weeraray kolonyo ay la soceen ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya. Al-Shabaab oo war ka soo saartay qaraxaan ayaa sheegatay inay ku gubtay mid ka mid ah gaadiidka ay wateen ciidanka dowladda, gaar ahaan gaari booyad ah. Sidoo kale waxa ay tilmaamatay in weerarkaasi ay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ku gaarsiisay ciidamadaasi, walow aysan shaacin tiro rasmi ah. Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan qaraxaasi iyo khasaaraha ka soo gaaray. Janaale oo ah deegaan istaraatiiji ah ayaa waxaa dhowaan la wareegay ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab, kadib markii ay dagaal la galeen xoogaga Al-Shabaab. Share this post Link to post Share on other sites